U diyaargarow ku aadan soo dhaweynta Ciidul fidriga oo laga dareemayo Suuqyada Magaalada Kismaayo.
Iyadoo maalmo qura ay ka harsantahay Ciidul Fidriga ayaa Suuqyada waawayn ee Magaalada kismaayo waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoog leh kaa oo loogu diyaargaroobayo Munaasabadda Ciidul fidriga.
 Mar aan saaka booqday qaar kamid ah suuqyada waaweyn ee Magaalada kismaayo ayaa waxan ku arkayay boqollaal dadweeyne ah kuwaas oo siyaabo kala duwan uga adeeganayay suuqyada waaweyn ee Magaalada kismaayo, goobaha aan booqday ayaa waxa kamid ahaa xawaalada iyo suuqa weyn ee dharka halkaas oo dadkii aan kula kulmay ay dhamaantoodba ii sheegeen in ay u diyaargaroobayaan ciidul Fidriga.
Suuqayada lagu iibiyo dharka ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayay jawi kacsanaan ah iyadoona la arkayo dad isugu jira Caruur iyo dad waawyn oo dhar ka iibsanaya suuqaasi.
 Sikastaba ha ahaatee iyadoo inta badan bulshada ku dhaqan Magaalada kismaayo ay u diyaargaroobayaan munaasabadda Ciidul fidriga ee fooda inagu soo haysa ayaa hadana waxaa jiro dad aad u tiro badan kuwaas oo kasoo barakacay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho oo ku nool Xeryaha Kaamamka Magaalada Kismaayo, islamarkaana aan haysan wax ay kaga qeybqaataan munaasabadda farxadeed ee Ciidul fidriga oo ay si weyn u soo dhaweeyaan guud ahaan Dadka islaamka ah ee ku sugan daafaha Caalamka.
Â
Xafiiska Wararka Bartamaha – Kismaayo
Comments
comments