Taliyihii Amaanka Magaalada Kismaayo oo habeenkii xalay la dilay
Kismaayo _Taliyihii ammaanka ee maagalada Kismaayo Ciise Kaambooni ayaa habeenkii xalay waxaa lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in dilka taliyaha uu ka dhacay gurigisa, waxaana toogtay mid kamid ah ilaaladisa, waxaa sidoo kale rasaas uu furay ku dhintay mid kamid ah ilaalada taliyaha halka midkalena uu dhaawac kasoo gaaray.
Ninka dilka uu gaystay Taliyaha ayaa warar hoose oo aan helayno sheegayaan inuu horay uga tirsanaa Al-shabaab, waxaana dilka kadib uu kabaxsaday goobtii uu falku ka dhacay.
Majirto wax hadal ah oo kasoo baxay Saraakiisha amniga ee Jubbaland, inkastoo ay ciidamadu wadaan baaritaano lagu raadinayo shakhsigii ka dameeyay dilka taliyaha.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.