Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhimatay badda Libya
BARTAMAHA – Sodon qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay dooni ay saarnaayeen xilli ay maraysay xeebta Jaziiradda Sicily oo ku taalla koonfur galbeed ee dalka talyaaniga.
Ciidamada ilaalada xeebaha ee wadanka Talyaaniga ayaa sheegay inay dadkani dhinteen kadb markii ay neef qabatoobeen,ayadoo maanta oo isniin ah la helay meydadka sodonkaasi ruux,sida ay qortay wakaaladda waraka ee Talyaaniga ee News Agency.
Wararku waxay sheegayaan in doonta oo ahayd nooc kalluumaysiga ay saaraayeen dad tiradoodu gaarayso in ku dhow lix boqol oo qof (600).
Dhanka kale, Ciidamada badda ee wadanka talyaaniga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen tahriibayaal tiradoodu gaaraysey shan kun oo qof (5,000) afartan iyo sideedii saacadood ee la soo dhaafay(48).
Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in todobaadkii tagay ay soo badbaadiyeen dad muhaajiriin gaaraysa kun iyo lix boqol(1600) halka tirada guud ee sanadkan ay soo badbaadiyeen ay tahay lixdan kun oo tahriibayaal ah(60,000.
Muhaajiriinta ayaa ka imaada wadamada carabta iyo qaaradda Africa.
Comments
comments