Tahriibayaal lagu qabtay Magaaladda Boosaaso

Posted on Apr 16 2010 - 6:03pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

tahriib

Bartamaha (Nairobi):- Ciidamada Amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa wax ay gacanta ku dhigeen in kabadan boqol ruux oo Tahriibayaal ah kuwaasi oo u dhashay dalka Ethiopia.

Arrintan ayaa timid kadib how galo ay sameeyeen Ciiidanka Amaanka magaaladda Boosaaso.

Shir jaraa’iid oo ay si wada jir ah maanta ugu qabteen Saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso Wasiirka amniga Puntland Generaal Yuusuf Axmed Kheyr, Gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf iyo Duqa magaalada Boosaaso Maxamuud Faarax ayaa waxa ay ku soo bandhigeen dadkaasi oo iminka lagu hayo Saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

“48-saac ee ugu dambeeyay Ciidamada Amaanka ee Puntland ay ka howlgaleen howlgalada Ciidamadaasi ay ku wajahnaayeen dad Tahriibitaal ah oo ka yimid meelo faro badan oo kala duwan kuwaasi oo galay xeebaha Puntland” ayuu yiri Duqa magaalada Boosaaso Maxamuud Faarax

Dhamaan Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay oo uu kamid ahaa Wasiirka amniga Puntland iyo waliba Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa waxa ay ku shaaciyeen in maamul goboleedka Puntland uu iminka diyaar u yahay la dagaalanka dadka Tahriibayaasha ah islamarkaana ay ka hor tagto arimaha Tahriibka ah.

Ma ahan markii ugu horeeyay oo dad Tahriibayaal ah lagu qbato Maamulka Puntland, Dhawaan ayay Ciidanka Maamul Goboleedka Puntland ay dad tahriibayaal ah ay ka soo qabteen Magaaladda Garowe.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Xafiiska Bartamaha ee Nairobi.