Calendar

Soomaaliya oo dib u dhisaysa xarumihii ciidamada Asluubta ee ku burburay dagaalladii sokeeye

Wasiirka Garsoorka Awqaafta iyo arimaha Diinta dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur oo uu wehlinayo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo maanta kormeer ku tagay xaruntii taliska ciidamada asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dib u dhis lagu samaynayo dhammaan xarumihii ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Garsoorka,Awqaafta iyo arimaha Diinta dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku tagay xarunta ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo muddo 23 sano kadib ah dib u dhis lagu bilaabay.

C/llaahi Abyan ayaa tilmaamay in taliska ciidanku ay 3 bilood kadib usoo guuri doonaan xarunta taliska,wuxuuna tibaaxay in talisku ay degenaayeen muddooyinkii danbe Xabsiga dhexe oo uu tilmaamay inuu dhibaato ku qabay is dulsaarka taliska iyo hawlihii kale ee xabsiga dhexe ee Xamar.

Wuxuuna intaa ku daray inuu wasiirka Garsoorka iyo Diinta dalka Turkiga uu kala hadlay sidii loo hormarin lahaa ciidamada asluubta Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in Turkigu uu ballan qaaday dib u dhiska dhammaan xarumihii ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Xuseen Xasan Cismaan taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in muddo kadib  dib u dhis lagu sameeyo xarumihii ciidanka oo uu sheegay iney baahi weyn u qabeen,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladdu ay ka dhabayso ballan qaadeeda ku aaddan dib u dhiska dhammaan xarumaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: