Calendar

Soomaaliya astaanta dib u dhaca!!!.

ZerroBartamaha  (Nairobi):- Mar  walba oo la sheego  dib u dhac waxaan shaki ku jirin in maankaaga dalka  Soomaaliya ay u soo degdegayso, dal aanan lahayn dhamaan intii lagama maarmaanka u ahayd nolosha bini aadanka sida nabad, koronto, biyo nadiif ah, cunto tayaysan, wadooyin iyo isbitaalo agabkooda u dhamaystiranyahay, dal iyo dad la iska ilaaway  oo maanta qarka u saaran in laga soo diyaariyo barnaamijyo Dikumentari ah sida Daynasooraadka oo kale,  dad laga soo diiday caalamka oo inta yar ee weli ogolna in baasaboorkeena lagu tago ay u diraan qofka soomaaliga ah qaybta socdaalka si su’aalo dheeraad ah loo weydiiyo, sababta ugu sahlana loo xiro maadaama uusan lahayd safaarad daryeesha, halka dadka kalana ay u mushaaxaan sida ay doonaan. waxaa noqday astaan aanan naga harin burcad badeedka, dhab ahaan ma garanayo meel aan ka bilaabo  mawduucan. Qofkii aad aragto, Website-kii aad furto iyo Telefishinkii aad geysaba warkeeda ayuu qayb ka yahay.

Tiro koobkii ugu danbeeyay ee inta Soomaaliya wax qori karta, akhrina karta ayaa  noqday 37% (Sodon iyo Todoba boqolkiiba) iyadoo boos aan laga xasdayn ka gashay dalalka ugu jahliga badan caalamka.

Mar afti laga qaaday dhalinyarada Carbeed heerka dal jacaylkooda uu gaarsiisanyahay ayaa waxay dheheen 19% (sagaal iyo toban boqolkiiba) ma difaacayno dalkeena haddii ay soo wajahdo khatar kasta, anigoo taas ku dhisaya ayaa waxaan aaminsanahay, ra’yigayga itaalka daran in ay kala bar dhaafayaan dhalinyarada soomaaliyeed ee maanta haddii la kala dooradsiiyo dalkiisa iyo nolosha mid ka mid ah dalalka hore u maray uu ka tanaasuli lahaa dalkiisa, eedna uusan ku lahayn….!!!

Ugu horeyn Soomaaliya haddii ay maanta ka sugi lahayd inay khilaafaadkeeda xalliyaan dadka u dhashay waa kuwaas oo kan qoriga wata iyo kan qalinka wataba uma kala roona, oo waxaaba gardaro u hiilinta ka mid ah inaad xaq darada ka aamusto, marasta uu jahliga hareeyayna waxay ku ra’yi yihiin kan xigaalkooda ah, waxaan xasuustaa in hogaamiye kooxeedka go’aanka uu gaaro loo banaanbaxo, midka uu la coloobo la fogeeyo kan uu soo dhaweystana caleemo qoyan loo lulo iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirayn, waxay Soomaali halmaansantahay in Jarmalkii Galbeed iyo kii Bari oo ay kala haysteen midowgii Soofiyeeti iyo Mareykanka laguna kala jaray magaalada Berlin derbigii weynaa ay go’aankooda ka weynaatay  rabitaanka shacabka oo u dulqaadan waayay qaraabadiisa oo mitiro u jira inuu Fiiso u qaato, ugu danbeyna la jibaaxay markii aan inaga qoriga u qaadanaynay inaan meesha ka tuurno xukuumadii dhexe. Muqdisho oo ah amaan ahaan, magaalada ugu cabsida badan caalamka ayaa qof walba oo dad ay ka joogaan maanta marka uu maqlo dagaalo ayaa dhacay uu kaliya hubiyaa in reerahiisa ay ka badbaadeen inta geeriyootayna aysan la sii buurnayn. Isagoo ay ka muuqato farxad ballaarana uu hadalkiisa ku soo gaabiyaa….inta dhimatay Alle ha u naxariisto.

Waa tan labaade haddii aan maciin bidi lahayn dalalka carbeed si ay noo kaalmeeyaan ma dhawa Soomaaliya oo maanta aan afka Carabiga ku hadal, midabkeedana uu madow yahay, waxa kaliya ee Carab nagu xirana ay tahay diinta Islaamka, waxaa jeesjees ah in garab istaag ay Falastiin weysay aan sugayno, ayaan darro macaawinadii ay geeyeen niyad xumo ayay ku sii beertay Falastiiniyiinta mana noqon sidii la moodayay oo Karfano iyo daawooyin dhacay ayay u direen. Ugu badnaan filo maanta, berri iyo sanado badanba in war saxaafadeed madasha ku eg ay Carab soo saari doonto, haddii uu kula jiro iyo hadduu kaa soo horjeedaba.

Waa tan saddexaade waxaan loo fadhin in dal Kirishtaan ah uu xal u raadiyo dhibaatooyinka dowlad Muslim ah 100% oo aanan ahayn dad si fudud loo maandoorin karaayo wallow in badan ay diinta ku haystaan si dhaxaltooyo ah oo aan si quman loo barin, berrina laga yaabo inay khatar ku noqoto dalalka deriska ah.

Dalka siduu ahaan jiray, iyo maanta siduu yahay, muuqaalka aragiyo,  maqalkaba u kala roon. Waxa uu abwaan Maki Xaaji Banaadir mar Tobaneeyo sano laga joogo uu tiriyay tix uu ugu magac daray “Mataacul Ghuruur” Muqdisho iyo Kigali, ma isku miisaali karnaa, haku mashquulin jawaabta, adoon meel fog ka raadin, maya lee isticmaal, labadaasi magaalo, isha tay mahadinayso, waa marqaati ma doonto, mudnaanta caasimadaa leh, Muqdishaa rajo fiican….. maantase waxay ila tahay in uu ra’yigiisa isku bedelay sida xaalada Kigali isku bedeshay… Murugo Muqdisho dadkeeda ayaa ka hiiliyay !!!

Ma garanayo aniga kan xaqqa ku taagan midka uu yahay, haddiiba mid walba oo wax tuuraya uu Takbiirta iyo Tahliisha qabsanayo, sidii kubbaddii oo kalana waa murtad iyo isagaa murtad ah la isagu tuurayo maagalada burburtay ee aad moodo in aflaam Horor ah lagu jilay, waxaanse la isku haysan in waxa ay u gulfinayaan danta shacabka aysan ahayn, lama yaabayo haddii ay Soomaaliya nabad gaarto inta uusan dalka dib u dhis gelin in shirkadaha Hollywoodka naga dalbadaan inay aflaanta hororka ah ku jilaan maadaama ay u dhamaystiranyihiin wax walba oo loo baahnaa sida boholo, guryo burbursan oo halaqyo galeen ah iyo geedo muuqaalka magaalada u ekeysiiyay kayn.

Suurogal ma ahan in xukun laba maalin kaliya sii jiraya uu fuliyo xuduud, arxan darada ka muuqata marka aad aragto ayaad waxaad dareemaysaa inay jiraan sifaad kulmiya iyaga iyo kooxaha maandooriyaasha ka taajira ee Colombia iyo Mexico. Dad badan ayaa mooday in xureyn iyo jihaad uu ahaa hal ku dhigga kooxahan waxayse runta ogaadeen markii ay arkeen inay yihiin dad wax kale soo min guurinaya sida lebiska, kaba sii darane masaajidyada oo la isku qarxiyo, oo ah waxa ugu danbeeyo ee qofka soomaaliga ah uu sugayay in uu maqlo.

Maskiin.. Ninka dila Abeesee, ubadkeeda daystee, daajee rabaystaa, dib u qoomameeyo miyuusan xaalku noqon ninka madaxtooyada maanta fadhiya ee lahaa aasaaska kooxahaanoow..!!!? sinaariyahan haddii dib loo celin karo sidaas ma yeeleen laakin aragti dheeri ayaa la isku dhaafay, ninka waxa soo socda aan garanna waxa jooga ma garto..

Guntii iyo gebogebadii waxaa in wax lagu qaato mudan in qabiilada daanyeerka Bulbuuli haddii muran iyo dagaal uu ka dhex dhaco duqowdeeda ay xalliyaan, iyagoo si gooni ah ula hadla bilowga fidnada kuwii lahaa si iskaashigooda uusan meesha uga bixin, adiguba garo meesha uu hadalkayga u socdo.

W/Q: Cabdinaasir Maxamed Axmed (Zero)

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, Maqaallo / Articles, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: