Calendar

Siilaanyo oo maanta loo dhaariyay Xilka Madaxnimada Somaliland.

silanyo iyo ku xigeenkisaBartamaha (Hargaysa):- Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay talada  Maamulka guud Ee Somaliland.

Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday Magaalada Hargaysa gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa xilkiisa loo dhaariyay Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay markii loo dhaariyay xilalka ay qabteen oo muddo ay u soo galeen dadaal xoog badan.

Munaasabada maanta ayaa waxaa ka qeybgalay Wafdi ka kala socday Dowladaha Jabuuti,Ethiopia iyo Kenya oo dhammaan lagu casuubay ka qeybgalka xil wareejinta maanta dhacaysay.

Munaasabada maanta ayaa waxa ay ahayd mid aad u balaaran waxaana hadalo kala duwan ka jeediyay madaxda Somaliland midkii hore iyo madaxweynaha Cusub oo xilka isku wareejinayay.

Hadal ay jeediyeen masuuliyiinta  Wadamada ka qeybgalayay Kulanka xil wareejinta ayaa waxa ay ku amaaneen maamulka Deegaanada Somaliland qaabka ay ammaankooda u sugeen iyo hormarka dhanka Doorashada ay ka gaareen.

Xil wareejintan ayaa waxa ay ahayd midi ugu horaysay ee ka dhacday Deegaanada Somaliland maadaama xiligii uu xilka qabanayay Daahir Riyaale uu ka dhintay xilkasi Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Dad badan ayaa waxa ay aaminsanaayeen doorashada ka dib in rabashado iyo Cabsi ammaanka ah ay bilaaban doonaan wallow taasi ay ka badbaadeen madaxda Somaliland iyo shacabka intaba.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: