Calendar

shir ay yeesheen golaha wasiirada oo loga dooday abaaraha ka taagan dalka .

Shirka golaha1

Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1. Arrimaha Abaaraha iyo Barakacayaasha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa golaha u sheegay in

xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ay marayaan heerkii ugu sarreeyey loonabaahanyahay in wax laga qabto. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu arrimahan kala hadlayhay’adaha Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha.

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado sidii loo gar-gaarilahaa shacabka soomaaliyeed ee ku tabaaleysan waddanka gudihiisa.

Golaha Wasiirada oo ka dooday arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha ayaa xaqiijiyey in maalmahan ay muqdisho si joogta ah u soo gaarayeen barakacayaal ka soo cararaydegaanaddooda kuwaasoo ay ka muuqato macluul aad u baahsan.

Sidoo kale golahu waxeyka hadleen in abaaraha jira ay saameeyeen dad iyo duunyaba, loona baahan yahay in lala kaashado caalamka. Golahu waxey go’aamiyeen in guddi loo saaro arrinkan oo si deg-deg ahuga soo talabixiya xaaladda dhabta ah iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka soomaaliyeed.

Golahu waxey kaloo go’aamiyeen in qeylo dhaan iyo baaq loo diro beesha caalamka oo lagacodsado in xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ee dalka uu marayo heerkii ugu sareeyey loogana baahanyahay gurmad caalami ah oo deg-deg ah.

 Sidoo kale golaha waxey ugubaaqeen qurbo-joogta, ganacsatada iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed inay kaalin mugleh ka qaataan sidii shacabka soomaaliyeed ee abaaraha iyo barakacayaasha saameeyeen aygurmad deg-deg ah ula soo gaari lahaayeen.

2. Habsami u socodka howlaha wasaaradaha iyo u adeega bulshada;

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay golaha wasiirada in loo baahan yahay inhowlahii wasaaradaha iyo u adeega bulshada la sii dar-dargeliyo oo xilligan isbedelka aanu saameyn ku yeelan habsami u socodka howlaha dowladda. Golaha Wasiirada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha Gaashandhiga, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, iyo Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, kuwaas oo ka warbixiyey horumarka ay sameeyeen,

caqabadaha jira iyo qorshayaasha ay wadaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii kudhiirigeliyey in dhammaan wasaaradaha ay sii joogteeyaan waxqabadkooda, lana yimaadaanwaxqabad joogta ah oo u adeegaya shacabka soomaaliyeed.

3. Tacsi loo direy Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska

Ugu danbeyntii, Ra’iisal Wasaaraha iyo golaha wasiiradu waxey tacsi u direen WasiirkaHowlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Mudane Cabdirashid Khalif Xaashi oo adeerkiis Marxuum

Musse Xaashi Fiqi Yusuf oo 28kii Juun ku geeriyooday magaalada Galdogob. Golahu waxeymarxuumka EEBBE uga baryayaan inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, dhamaan qoyskii,

eheladii iyo shacabka soomaaliyeedna samir iyo IIMAN ka siiyo. AAMIIN.

- DHAMAAD

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: