Calendar

Sheekh Atam oo dagaal ugu baaqay shacabka Puntland.

wadaadaBartamaha (Boosaaso):- Hogaamiyaha Kooxda Buuralayda Galgala  ka dagaalanta ayaa ugu baaqay shacabka in ay la dagaalamaan Cidianka Puntland.

Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ah Hogaamiyaha Kooxda hubaysan ayaa waxa uu ka hadlay dagaalkii shalay ay la galeen Ciidanka Puntland.

Sheekh Atam waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu fure u ahaa dagaalo badan oo haatan ay ka bilaabayaan Deegaanada kala duwan Ee Puntland.

Atam waxa uu sheegay in dagaalka ay guul balaaran uga soo hoyatay Kooxo uu ku sifeeyay Mujaahidiin kuwaasi oo uu hogaamiyo kuna sugan dhulka Buuralayda ah.

Wadaadkan waxa uu meesha ka saaray in uu ka mid yahay Alshabaab isagoo xusay in ay ku walaaloobeen Shareecada Islaamka sida wadaadkaasi sheegay.

Buuralayda Galgal oo qeybo badan oo ka mida shalay ay qabsadeen Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa lagu arkay Calanka Madow oo astaan u ah Alshabaab taasi oo muujinaysa xiriirka ka dhexeeya Labada Koox.

Hogaamiyaha Kooxda ku jirta Buuraha ayaanan la ogayn Ujeedada uu dagaalka ugu baaqayo waxaana dad badan ay aaminsanyihiin in wadaadkaasi uu wakiil u yahay Alshabaab.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: