Calendar

Sargaal si cara leh uga hadlay duqeynta Amisom u geystaan Goobaha Shacabka ku badanyihiin.

amisomBartamaha(Muqdisho):-Sargaal ka tirsan ciidamada Dowlada ayaa si cara leh uga hadlay duqeynta maalin walba ka dhacda Muqdisho isagoo hanjabaad u jeediyay Ciidamada Amisom.

Afrax Cali Afrax  oo xilli ahaa Taliyihii Ciidamadii la kala diray ee Daraawiishta ayaa maanta ka hadlay duqeynta Amisom ay shaqada ka dhigteen taasi oo malain kasta ku dhacda Deegaanada shacabka daganyihiin.

Afrax Cali Afrax waxa uu sheegay in duqeymaha loo geysanayo goobaha ay shacabka ku badanyihiin ay muujinayso dhibaato cad oo bulshadsa lagula dhaqaaqayo taasina aanay Cidiamada u dulqaadan Karin.

Sargaalkan waxa uu ugu baaqay saraakiisha Amisom in ay ka jawaabaan sababta shacabka loo laynayo waxa uuna sheegay in talaabadaasi ay sabab u noqon karto in shacabka ay kacaan.

Sargaalkan ayaa ku hanjabay in dhibaato balaaran ay keenayso haddii duqeynta lagu sii hayo goobaha dadka rayidka ah ay daganyihiin gudaha Magaalada Muqdisho oo maalin walba la garaaco.

Sargaalkan waxa uu xusay in ay Askarta Dowlada ay ka xunyihiin shacabka maalin walba ku la’anaya dagaalada iyo kuwa Amisom ay madaafiicda ku laynayaan taasi oo uu sheegay in go’aan ka qaadanayaan.

Afrax Cali Afrax ayaa hadalkiisa waxaa ka muuqanayay caro uu ka muujinayay duqeynta ka dhacda Muqdisho oo malain walba dad badan ay ku la’anayaan taasi oo dhibaato xoogan  ah.

Madaxweynaha iyo Saraakiisha Amisom ayuu sargaalkan ka dalbaday in ay raali galin ka bixiyaan duqeynta islamarkaana ay magdhow ka siiyaan shacabka malin walba la laynayo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: