read more »">
Calendar

Sargaal ka soo goostay Dowlada oo shabaabka u galay (Sawirada).

sargaal 2 (1)Bartamaha (Muqdisho):- Alshabaab ayaa Muqdisho ku soo bandhigtay askari ka soo goostay Dowlada oo sheegay in uu ahaa Sargaal sare oo dhinaca hogaaminta Ciidanka ah.

Ninkan soo goostay oo lagu magacaabayay C/raxmaan Axmed Cabdi ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in uu ahaa taliye sare oo Ciidanka Dowlada ajh islamarkaana uu go’aansaday in uu alshabaab ka mid noqdo.

Ninkan sargaalka ah ayaa waxa uu xusay in ay jiraan Ciidan badan iyo saraakiil doonaysa in ay alshabaab la midoobaan oo ay danta ku dhex haysto gudah dhulka Dowlada ay maamusho ee gudaha Muqdisho.

C/raxmaan Axmed Cabdi Waxa uu cadeeeyay in uu ku soo tababar qaatay Dalka Ugandha islamarkaana uu yaqaano xirfada dagaalka ee Ciidanka Amisom taasina uu balan qaaday in uu uga faa’iideyn doono Alshabaab.

Askarigan waxa uu shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay xiriir u samaynta dhammaan Cidianka doonaya in ay ka soo goostaan Dowlada isagoo sheegay in aanu ku sii eegan doonin Ciidankaasi dhibaatada ay ku jiraan.

Hadalka iyo baaqa ka soo yeeray askariga Dowlada ka soo goostay ee haatan jooga Bakaaraha ayaa waxa uu imaanayaa xilli saraakiil iyo askar badan ay dhinacyada isku Dalka xilli waliba ku kala biiraann.

Sawirada :-


as1

as2

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: