Saraakiisha Dowlada Gobolka Hiiraan oo wacad ku maray in C/raxmaan Mocow ka saari doonaan Magaalada B/Weyne.
Bartamaha(Balad-Weyne):-Saraakiisha Ciidamada Dowlada Ee Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ay gobolka ka saari doonaan Ciidamada Sheekh C/raxmaan Mocow.
Taliye ku  Xigeenka Ciidamada Dowlada Ee Gobolka Hiiraan Col.Salaad Xareed oo warfidiyeenada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in uu khiyaano ku dhaqaaqay gudoomiyihii Maxkamadaha Hiiraan islamarkaana ay ka saari doonaan Balad-Weyne.
Col’Salaad Xareed Taliya xigeenka Ciidada Dowlada Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in Sheekh C/raxmaan Ibraahim Mocow uu sameeyay khiyaano islamarkaana aanay ka fileynin in uu ku biirayo Xizbul Islaam .
Sargaalkaasi ayaa waxa uu sheegay in dhammaan ay weerar ku soo qaadayaan Magaalada Balad-Weyne oo haatan u gacan gashay Alshabaab iyo Xizbul Islaam si deegaanada Hiiraan ay ugu soo celin lahaayeen gacanta Dowlada.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments