Calendar

Salaad Cali Jeele “Dadka diidaayo Ciidanka Amisom waa Argagaxiso nagu dhex jirta….”

saladBartamaha (Muqdisho):- Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo ka mida mudanasha Baarlamanka ayaa si kulul u weeraray hadalada Xildhibaanada iyo wasiirada diidan Ciidanka shisheeye ay jeedinayaan.

Xildhibaan Jeele ayaa shaaca ka qaaday in rag uu ka magacaabay Yuusuf Indha Cadde ay yihiin kuwala shaqeeya Alshabaab isagoo ku Eedeeyay in ay diidanyihiin nabad ay keenaan Ciidanka Amisom ee la keenayo dalka.

Xildhibaankan waxa uu sheegay in ay jiraan masuuliyiin Dowlada ku dhex jira oo diidan hormarka Dowlada iyo la dagaalanka Kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaalamaya dalka Soomaaliya.

Xildhibaankan ayaa ka caraysnaa hadal shalay ka soo yeeray Indha Cadde oo sheegay in uu la dagaalamayo haddii dalka la keeno Ciidan ay ku jirto Dowlada Ethiopia oo uu si gaar ah u sheegay in uu ula dagaalsanaa xiligii uu ka mid ahaa Maxkamadaha Mucaaradka .

Salaad Cali Jeele ayaa ka mid ah ragga ugu ad adag Dowlada KMG ah isagoo inta badan diida hadalada qaar ee sida kulul loogu weeraro siyaasada Dowlada KMG ah isagoo marar badan Mucaaraday wararka lagu diidayo Ciidanka Ethiopia oo xilli si aad ah uu ula shaqeyn jiray xilihii uu ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: