Safiirka Turkiga Soomaliya oo maanta soo gaaray Garoowe
Garowe_ Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowlada Puntland Safiirka dowlada Turkiga u fadhiya Soomaliya, DR. Koni Turan iyo wafdi uu hogaaminayo.
Wafdiga ka socda Turkiga ayaa kullamo gaara la yeelan doona madaxda usaraysa Puntland, iyagoona kawada hadli doona arrimo dhowra oo aan ilaa iminka laga warhayn.
Mr. Turan iyo wafdiga lasocda ayaa kormeer ku kala bixiyay goobo kamid ah magaalada Garoowe, oo ay kamid yihiin dugsiyada waxbarashada iyo xarunta agoonta.
Madaxweynaha Puntland ayaa lasadalinayaa inuu kala hadli doono safiirka Turkiga sidii deeqaha ay siiso soomaliya ay doorkeeda uheli lahayd Puntland.
Bishii lasoo dhaafay ayay dowlada Turkigu soo gaar siisay Puntland Raashin farabadan taasi oo lagaarsiiyay deegano kamid ah Puntland.
www.Bartamaha.com
Comments
comments