Calendar

Ra’iisul Wasaare Saacid oo Muqdisho ku soo laabtay kana hadlay safarro uu kusoo maray Geneva iyo Dalka Turkiga (SAWIRRO)



Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Saacid ayaa ka warbixiyay safarradii uu dibadda ugu maqna isagoo ugu horreyn ka hadlay safarkii uu ku tagay magaalada Genève, halkaas oo uu uga qaybgalay shirka horumarinta xaquuqul insaanka caalamka, isagoo ku sheegay hadalkiisa in shirkaas uu ka jeediyay khudbad soo jiidatay gabi ahaan xubnihii ka qaybgalay oo ay ku jireen sida uu sheegay dalal saaxiibbo dhow la ha dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa afartii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa Turkiga, gaar ahaana magaalada Ankara iyo Istanbul, waxaana halkaasi uu kula soo kulmay madaxda dalka Turkiga oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaare Reccep Tayyip Erdogan, waxayna si qotadheer uga wada-hadleen xariirka labada dal iyo garab-istaagga dawladda Turkiga iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee u qorsheysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu soo degay saaka la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in safarradiisu ay kusoo dhamaadeen si guul ah, dowladda Turkigana kala soo hadlay sidii loo kordhin lahaa caawinaada mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ay ka fulinayaan, wuxuuna ku ammaanay mashaariicda ay haatan ka wado Muqdisho.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: