Qof rayid ah oo si bareer ah loogu dilay Bakaaraha.

Posted on Aug 4 2010 - 2:20pm by News Desk
Tweet
Pin It

Somalia Bartamaha (Muqdisho):- Kooxo la aaminsanyahay in ay ahaayeen Islaamiyiinta ayaa maanta si bareer ah ugu dilay bartamaha suuqa Bakaaraha qof rayid ah oo aan waxba galabsan.

Kooxo dhalinyara ah oo ay ka muuqatay astaanta Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa duhurnimadii maanta nin rayid ah si bareer ah ugu dishay bartamaha suuqa ganacsiga Ee Bakaaraha halkaasi oo dhawaanahan dilalka ay ku yaraayeen.

Kooxda dilka gaysatay oo aanay ku jirin wax cabsi ah ayaa ka dhaqaaqday markii ay dhimasho ku Hubsadeen nin 30-Jir ah oo marayayay qeybta raashinka ee Suuqa  ganacasiga Bakaraaha Muqdisho.

Dilka kooxda gaysatay ayaa waxa ay isaga tageen goobta ay ku dileen ninkaasi waxaana dadka ay si weyn uga argagaxeen qaabka dilka u dhacay oo ahayd si bareer ah oo rasaas ka dhacaysay Saddex Bistoolad lagu dhameeyay ninka la dilayay.

Maydka ninka ayaa muddo yar ka dib waxaa goobtaasi ka qaaday dad ganacsata ah oo aad u garanayay ninka la dilay oo la sheegay in uu ahaa nin ganacsade hore u ahaa balse dhawaanahan suuqaasi ka wareegay.

Suuqa Bakaaraha ayaa awood ahaan waxaa si toos ah uga taliya Kooxda Alshabaab wallow ay joogaan Maleeshiyaadka Xizbul Islaam waxaana la xasuustaa in xilli uu ahaa goobta ugu dilka badan caasimada Muqdisho.

Xafiiska Bartaaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]