Gen.Qeybdiid iyo Gen.Dhuumaal Taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga oo seefta xil ka qaadista ay ku timid.
Bartamaha(Muqdisho):-Taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in xilka laga qaado sida laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya.
Sida laga helayo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in xilka laga qaado Taliyaha Ciidamada Booliiska Gen.Cabdi Qeybdiid iyo Taliyaha Ciidamada Militariga Gen.Yuusuf Dhuumaal.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo saaro wareegto xilka looga qaadayo Labadaasi taliye Ciidan kuwaasi oo in mudda ah hoggaan ciidan u ahaa Militariga iyo Booliiska.
Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxa uu ahaa Taliyaha Ciidamada Booliiska tan iyo sanadii 2007-xiligaasi oo Dowlada TFG ay awood ciidan kula wareegtay dhammaan Magaalada Muqdisho.
Gen.Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa waxaa xilkaasi loo magacaabay bilowgii sanadkan iyadoo uu magacaabay Madaxweyne Shariif balse haatan la doonayo in xilka laga tuuro.
Xil ka qaadista Labada Sargaal ayaa waxa ay imaanaysaa xilli dhawaanahan Dowlada KMG ah lagala wareegay inta badan Degmooyinka Muqdisho taasi oo loo aaneeyay maamul xumo dhanka Ciidamada ah.
Wixii Faah-faahin dheeraad ah kala soco www.Bartamaha.Com.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments