Calendar

Qasaara ka dhashay dagaal Muqdisho ka dhacay.

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha (Muqdisho):- Dagaal xoog badan oo shalay illaa xalay ka dhacayay Xaafadaha Degmada Hodon ayaa sababay qasaara kala duwan oo inta badan shacabka soo gaartay.

In ka badan 20-ruux ayaa dhimatay 31-kalana dhaawac  ayaa soo gaaray markii Xalay illaa shalay gabal dhicii dagaal xoog badan uu ka socanayay xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mida Degmada Hodon Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxaa isku riiqmay Kooxda Xizbul islaam iyo Ahlu sunnah Wal Jamaaca markii Xizbul Islaam ay dib u bilowday dagaaladii ay sida gaarka ah uga wadi jirtay Degmada Hodon Muqdisho oo ah deegaanka kaliya oo ay bgacanta ku hayaan.

Madaafiicda ayaa dadkan dhintay inta badan sabab u ahaa waxaana lagu garaacay Suqa Bakaaraha,Suuq Bacaad iyo xarumo kale oo dhammaan ah goobaha ay inta badan ku dhacaan madaafiicda taasi oo shacabka ku sugan labadaasi suuq ay ku la’daan.

Xaalada guud ayaa saaka ah mid dagan waxaana la dareemayaa cabsi dagaal mar kale ka qarxa Deegaanadaasi oosi aad ah ay u buuxiyeen maleeshiyaadka Xizbul Islaam oo dhawaanahan aan lagu arkin saaxada dagaalada ka socanaya magaalada.

Dhinaca kale Deegaanada ku dhowaa Villa Somalia ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka nastay dagaalada markii Ciidanka Burundi iyo kuwa Soomaalida ay ka cayriyeen Alshabaab xaafadaha aadka ugu dhawaan Villa Somalia.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: