Calendar

Qaraxyo Xalay ka kala dhacay Degmooyinka Wadajir iyo X/Jajab Muqdisho.

r (1)Bartamaha  (Muqdisho):- Qaraxyo Bambaanooyin ah ayaa xalay ka kala dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa midka hore waxa uu ka dhacay Xaafada Ceel Qalow Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo askari Ciidanka Degmada ah uu ku dhintay 4-kalana dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen.

Qaraxa waxa lagu tuuray askarta oo ku wada sugnayd afaafka hore ee guriga uu daganyahay Gudoomiye xigeenka Degmada Wadajir Ee Muqdisho xilli uu masuulkaasi ka maqnaa ciidankaasi la qarxiyay.

Dhanka kale Waxaa Laba Bam gacmeed xalay lagu tuuray Booliiska dowlada ee fariisinka ku leh agagaarka Dakada Caalamiga ah halkaasi oo tacshiirad culus ay ka dhacday ka dib Qaraxyada Ciidanka lala beegsadat taasi oo sababtay waxyeelada dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labada Bam ayaa la xaqiijiyay in ay waxyeela u geysatay Ciidanka lala beegsadaywaxaana jiray dhaawaca 2-askari iyadoo rasaasta ay fureen ay sababtay waxyeelada 3-ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Wiil 5-sano jir ah oo rasaasta ay ugu tagtay Xerada Xuseen Kulmiye Afrax oo ku taala Degmada Xamar Jajab.

Inta badan waxyada lagu weerarayo Saldhigyada Ciidamada Xiliyada Habeenkii ayaa aad u soo badanaysa waxaana xusid mudan in labadii cishgo ee la soo dhaafay la qarxiyay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari halkaasi oo la aaminsanyahay in ay si hoose ugu dhuumaalaystaan Islaamiyiinta Mucaaradka ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: