Calendar

Qaraxo Xalay gilgilay Xaafado ku dhow garoonka Muqdisho.

muqdishBartamaha (Muqdisho):- Kooxo aan la garan ayaa Xalay Bam gacmeedyo ku weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada oo dagan hareeraha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ilaa 4-Bam gacmeed ayaa Xalay lagu tuuray Cidian ka tirsan Dowlada xilli ay ku sugnaayeen Xaafado ka mida Degmada Wadajir oo ku dhow Garoonka Aadan Cadde.

Qaraxyada Xalay ayaa waxa ay ahaayeen kuwii ugu dhowaa ee lagu weerao Ciidanka Kaalmada u ah Askarta Amisom ee saldhiga ku leh Xerada Xalane oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Afarta Bam gacmeed ayaa la sheegay in ay ku dhaceen goobo askarta Dowlada ay ku sugnaayeen waxaana halkaasi laga maqlayay tacshiirad Ciidanka ay fureen ka dib qaraxyada is xigxgiay ee Xalay dhacay.

Qaraxyada ayaa waxaa saaka ka hadlay Gudoomiye xigeenka Maamulka Degmada Wadjir Muqdisho Xuseen Bootaan oo sheegay in Ciidanka uu dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyada Xalay ay sameeyeen Kooxo uu sheegay in loo soo diray qalqal galinta ammaanka.

Gudoomiye xigeenka waxa uu sheegay in Ciidanka Caawiya kuwa Amisom lagu qarxiyay 4-Bam gacmeed xilli ay ku sugnaayeen agagaarka Xerada Xalane islamarkaana qarax kale uu ka dhacay Xaafad Korontada Degmada Wadajir.

Hadalka masuulkan ayaa imaanaya xilli Maamlmihii la soo dhaafay Degmada Wadajir ay ku soo badanayeen Kooxo ammaanka halis ku ah kuwaasi oo inta badan qaraxyo la beegsanayay madaxda Degmooyinka Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: