Calendar

Qaramada Midoobe,Midowga Yurub,Jaamacada Carabta,Midowga Afrika iyo wadamo kale oo Cambaareeyay qaraxii shalay lagu la’day ee ka dhacay Muqdisho.

 

hotelkaBartamaha(Muqdisho):-Dhammaan Ururada Caalamiga ah iyo Wadamada Caalamka ayaa waxa laga naxo ku tilmaamay qarax Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Bayaan uu soo saaray Ban Ki-moon Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxii ka dhacay Shalay gudaha Muqdisho oo lagu laayay dad wax gal u ahaa Bulshada Soomaaliyeed. 

Ban Ki-moon ayaa Bayaanka uu soo saaray ku sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid Al-qaacida ay ka danbaysay isagoo ku baaqay taageera degdeg ah oo la siiyo Dowlada Soomaaliya si ammaanka wax looga qabto.

Dhanka Kale Midowga Eurupe ayaa waxa ay cambaareeyeen falka qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo dad badan lagu laayay oo Bulshada ka dhexmuuqday.

Madaxa Siyaasada Arimaha Dibada Catherine Ashton in wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxii dadka badan ay ku la’deen oo ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho kaasi oo ahaa musiibo caalami ah wax ka qabashana u baahan. 

Dhanka Jaamcada Carabta ayaa waxa ay ku cambaareysay qaraxa shalay dhacay ka dib  Bayaan ka soo baxay Magaalada Qaahira xarunta Jaamacada Carabta kaasi oo lagu sheegay in loo baahanyahay wax ka qabashada dalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa ka qeyb ahaa Ururada Caalamiga ah ee Cambaareeyay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo qasaara u geystay Bulshada Soomaaliyeed.

Dowlada Faransiiska ayaa Cambaaresay qaraxa Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo qasaara xoogn ay ka soo gaartay Wasiiro,Saxafiyiin,Aqoonyahano iyo Arday Soomaaliyeed.

Bernard Kouchner Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Franca ayaa sheegay in uu ka xumaaday qaabkii shalay loo laayay dadkii ka dhexmuuqday Bulshada Soomaaliyeed ee la doonayay in dalka ay wax ka badalaan.

Isku soo duube Cambaaraynta ayaanan ku ekeen dalalkaasi iyo Ururada Caalamiga ah iyadoo Dowlado dhowr ah ay ku baaqeen in dalka Soomaaliya wax laga badalo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: