Qaramada Midoobe oo soo dhawaysay Ciidamada loo dirayo Soomaaliya,

Posted on Jul 28 2010 - 11:03am by News Desk
Tweet
Pin It

ban-ki-monBartamaha (New-York):- Qaramada Midoobe ayaa si ndiiran u soo dhaweysay Ciidamada dib loogu dirayo Dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan Amisom.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban-Ki-Moon oo soo saaray qar qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ban Ki Mon ayaa lagu cadeeyay in si weyn ay Qaramada Midoobe u taageersantahay go’aankii ay gaareen Madaxda Midowga Afrika.

Afhayeenka Xog-hayaha guud oo lagu magacaabo Martin Nasrik ayaa saxaafada u sheegay in UN-ka ay dalbanayaan in Soomaaliya si deg deg ah loogu diro Ciidamada ay balan qadaeen Midowga Afrika.

Sida uu Afhayeenka Cadeeyay  Qaramada Midoobe ayaa balan qaaday taageerada Cidiankaasi iyadoo ku baaqday in Ciidanka tagaya Soomaaliya ay noqdaan Nabad Ilaaliyaal si shacabka soomalaiyeed looga ilaaliyo dhibaatada.

Taageerada Qaramada Midoobe Ciidanka Soomaaliya la gaynayo ayaa imaanaysa xilli U qaybsanaha Qaramada Midoobe ee Arimaha Soomaaliya uu dalbaday in Ciidanka Amisom ee la gaynayo dalka ay noqdaan kuwa Nabada ilaaliya.

Dowlado ay ka mid tahay Ugandha ayaa waxa ay dalbadeen in Amisom laga dhigo ciidan Nabada awood ku dhaliya islamarkaana weeraro ku qaadi kara dhamaan saldhig walba oo ay daganyihiin Mucaaradka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.