read more »">
Calendar

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xalada Caruurta Soomaaliya ee abaaruhu saameeyeen.

 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay  in dadka Ka cararaya Abaaraha ku dhuftay Gobolada dalka soomaaliya ee gaaray wadama Dariska ah ee Ethiopia iyo Kenya laga walaacsan yahay xaalda Caruurta ay wataan oo ay heeysato Nafaqadaro Aad u baahsan.

Inkabadan 50% caruur soomaali ah ayaa lagaarsiiyay dalka Ethiopia  ku dhawaad 30 ilaa iyo 40 Boqolkiiba waxa ay waalidiintoodu ula Carareen dalka Kenya sida ay sheegtay UNHCR.

“dhawaanahan Caruurta soomaliyeed waxa ay ku dhimanayeen ayaga oo ay waalid kood safar ku La jiraan si ay u baadi goobaan meela ka nolol roon meelaha ay joogaan”sidaasi waxaa sheegay Antonio Guterres oo ah sargaal sare oo ka tirsan UNHCR.

Mr Guterres ayaa lagu wadaa in uu dhawantan Booqasho ku tago Xiryaha Qaxootiga ee ku yaala Xaduuda ay soomaaliya la wadaagto dalka Kenya oo xaaladooda laga deeyrinayo.

“Tani waa xaaladii ugu xumeed caalamka ee Aadminimo waana wax aan la qiyaasi karin dadka wax Ku noqonkara” ayuu sheegay Antonio Guterres.

UNHCR ayaa sheegtay in inkaban 135,000 oo soomali ah ay ka Barabaxeen wadanka geeska africa Sanadan oo kali ah ayadoo ay wali dalka ka jiraan Rabshado iyo Abaaro dad iyo duunyaba Saameeyn ku yeeshay.

Bishii June kaliye ayay UNHCR sheegtay in 54,000-oo dad somali ah ay ka soo gudbeen xadka ay Soomaliya la wadaagto dalka Kenya.

Qiyaastii Afarmeelood Meel-kamida dadka Soomaalida oo lagu Qiyaaso 7.5-millya ayaa ah kuwo Wadanka gudihiisa ku bara kacay halka ay qaarkalane Qaxootinimo ugu nool wadamada Caalamka.

Dagaalada Kasoconaya Gudaha dalka Somalia ayaa waxa ay adkeeyeen suurta galnimada in ay Hay’addaha gargaarku gaaraan Meelaha ay dadku ku dhibaateeysanyihiin si ay kaalmo u Gaarsiiyaan.

“Qooysas badan ayaa noosheegay in ay xoolahoodii ka baa be’een ayagoona wajahay xaalado Adag,weysoo lugeyeen maalmo iyo isbuucyo badan ayagoo soo maray dur Abaar ah islamarkaana Soo gaaray kenya ayagoon xaaladooda caafimaad aysan wanaagsaneeyn”sidaasi waxaa sheegay Afhayeenka UNHCR Melissa Fleming oo saxafiyiinta kula hadleeysay Magalada Geneva.

“waxaan wararka ku maqalnay in Caruur ay da’doodu kayartahay 5-sano in ay u dhintaan baahi Iyo daal inta ay ku guda jiraan Safarka ay Badbaada kuraadinayaan”sidasi waxaa sheegay markale Melisa Fleming.

Waxanaay intaasi ku dartay in simurugo leh  ay xaaladaasi oo kale ah ay wali ku jiraan caaruur Kale oo soomali ah kuwaa oo aan heli karin gurmad dagdag ah.

Ugu danbeen UNHCR ayaa sheegtay in qorsheeynayso in ay gargaar  Bili aadaminimo soo Gaarisiinyaan dadka ay Abaaruhu saameeyeenta ku yeesheen.

xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: