Qaramada Midoobay oo wakhti dheeriya ku dartay Muddada qafiifinta Xayiraada hubka saaran Soomaaliya
Xubnaha gollaha Amaanka oo maalintii shalay fadhi ka yeeshay arrimaha cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaliya ayaa muddo dheeriya ku kordhiya in la khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee saaran Somaliya.
Golaha ayaa isku raacay in ilaa 25-ka bisha October ee sanadkaan laga qafiifiyo cunoqabateynta hubka.
Qaraarkaan ayaa sicad uqeexaya in masuuliyinta Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay u hogaansamaan shuruudaha kooxda qaabilsan in ay kasoo waramaan arrimaha cunoqabataynta hubka saaran Soomaaliya, gaar ahaan in aysan hubka u gacan gelin kooxda al-Shabaab.
Guddiga dabagalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa bishii lasoo dhafay warbixin ay soo saareen ku cadeeyeen in Dowladda Federaalka ay hub u gidbisay kooxda al-Shabaab.
www.Bartamaha.com
Comments
comments