Puntland oo sheegtay inay guul ka gaartay dagaal manta ku dhexmar ururka al-shabaab deegaanka Gal-gala
Bosaso _ Dagaal udhexeeya Ciidamada darawiishta Puntland iyo xogag taabacsan ururka Al-shabaab oo fariisin ku leh deegaanka buuralayda Gal-gala ee gobalka bari ayaa maanta kadhacay deegaankasi.
Dagaalka oo bilowday Subaxnimadii hore ee saaka oo Isniin ah ayaa socday muddo saacado ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Gaashaanle Dhexe Jaamac Afguduud oo ah talliyaha ciidamada daraawiishta ee aaga Gal-gala ayaa VOA-da usheegay in dagaalku uu ka bilowday weerar ay saddex jiho kagasoo qaadeen ciidamada Al-shabaab.
Taliye Afguduud ayaa sheegay in dagaalka maanta uu kadhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, isagoona cadeeyay in dhankooda ay kaga dhaawacmeen labo askari, balse ay kooxda Al-shabaab ay kadileen labo kamid ah ciidankoda sida uu hadalka udhigay.
…,, Subaxnimadii saaka ayay weerar gaadmo ah nagaga soo qaadeen saddex jiho ciidamada al-shabaab lakiin waan iska difaacnay…,, ayuu yiri Jaamac afguduud.
Dagaalka saaka ayaa imaanaya xili todobaad kahor ay ciidamada Puntland sheegeen inay hawlgal kasameeyeen deegaanka gal-gala ayna saddex askari kaga dileen al-shabaab.
Xoogaga Taabacsan Al-shabaab ee fariisinka ku leh deegaanka Gal-gala ee gobalka Bari ayaa weli sitoosa uga hadlin dagaalada maalmihii lasoo dhaafay ay kula jireen ciidamada Puntland.
Bartmaha.com
Xafiiska Puntland
Comments
comments