Prof.Dalxa oo ka qeyliyay uqeynta Amisom iyo Shacabka oo qaati ka jooga.
Bartamaha (Muqdisho):- Wasiirka Arimaha Bulshada iyo Dhaqan Celinta Xukumada KMG ah ayaa maanta qeyla dhaan u diray Midowga Afrika iyo Saraakiisha Amisom isagoo dalbaday in la daayo madaafiida shacabka lagu garaacayo.
Prof.Maxamed Cumar Dalxa Wasiirka Arimaha Bulshada iyo Dhaqan Celinta oo maanta saxaafada war siinayay ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin madaafiicda lagu garaacayo goobaha shacabka ay daganyihiin.
Dalxa ayaa Cabasho u diray Saraakiisha Amisomiyo Midowga Afrika oo uu ka dalbaday in shacabka laga daayo madaafiicda maalin walba ay ku la’anayaan isagoo sheegay in dhibaatada ka dhalanaysa ay masuul ka yihiin Afrika.
Wasiirka ayaa sheegay in maalin waliba ay dhintaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo qaraxyo lala beegsado iyo Madaafiic ay Amisom ku garaacayaan goobaha ay dadka shacabka ah daganyihiin.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in shacabka maalin walba ay ku la’anayaan madaafiicda PM-ka iyo Hoobiyayaasha ay tuuraan Ciidanka Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaasi oo qasaara u geysta rayidka sida wasiirka ku Eedeeyay Amisom.
Dhanka kale shacabka Caasimada ku dhaqan ayaa waxa ay qaati ka joogaan Hoobiyayaasha iyo PM-ka Amisom oo xilli waliba kula dhaca Degmooyinka ay ku noolyihiin dadka rayidka ah ee caasimada ku dhaqan.
Dadka ku dhaqan Deegaanada ay maamulaan Xoogaga Mucaaradka ayaa waxa ay yihiin kuwa inta badan isku diyaariya sidii ay uga gabaadsan lahaayeen Madaafiicda xiliyada ay arkaan gawaarida Hoobiyayaasha laga tuuro ee Mucaaradka.
Shacabka ayaa mararka qaar waxa ay yihiin kuwa nolosha ka quusta marka ay bataan Hoobiyayaasha iyo PM-ka oo ay Amisom sida roobka oo kale ugu daadiso xaafadaha shacabka ay daganyihiin iyo Suuqyada ganacsiga.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments