Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo beeniyay in Safaarada Maraykanka ay magangalyo weydiisteen
Bartamaha(Muqdisho):-Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye ayaa waxa uu si kulul u beeniyay warar dhawaan la sila dhexmarayay oo tilmaamay in duqowdaasi ay Safaarada Maraykanka ka dalbadeen magangalyi Siyaasadeed.
Â
Oday dhaqameeydaya Hawiye oo maalmihii la soo dhaafay hadalkoodu uu noqday mid sii yaraanayay ayaa waxaa warar magaalada Muqdisho lagu hadalhayay ay noqdeen in duqowdu ay isku dhiibeen safaarada Maraykanka ee Magaalada Nairobi taasi oo la sheegay in ay kaga baxsadeen caasimada iyo dagaalada la iskaga soo horjeedo.
Â
Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararkaasi isgo sheegay in ay hadalkaasi faafiyeen dad cadow ku ah nolosha duqowda dhaqanka taasi oo uu sheegay in ay horay ugu hanjabeed in ay dili doonaan.
Â
Ahfayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay dhammaan dalka wada joogaan xubnaha ugu sareeya ee odayaasha balse ay ka gaabsadeen ka hadalka dagaalka Fitnada ah ee haatan ka socda Muqdisho
Â
Masuuliyiinta ugu saraysa ee odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa la sheegay in laga waayay deegaanadii ay ku sugnaayeen ee gudaha Suuqa Bakaaraha taasi oo sababtay in la shaaciyo in ay maraykanka isku dhiibaan.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Â
Comments
comments