Nuur Cadde R/Wasaarihii hore ee dowlada Fd soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay in loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga.
Bartamaha(Muqdisho):-Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowlada Fd somaaliya ayaa si rasmi ah loo sheegay in uu yahay safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Wadanka Talyaaniga.
Dr.Cumar C/rashiid oo ah Ra’iisul wasaaraha dowlada Fd soomaaliya ayaa sheegay in Safaarad cusub ay ka furanayaan Magaalada Roma Ee Daka Talyaaniga taasi oo uu tilmaamay in safiir looga dhigay Nuur Cadde.
R/Wasaaraha ayaa sheegay in ay dowlada Talyaaniga isku afgarteen in safaarada soomaaliya laga furo Magaalada Roma si loo adkeeyo xiriira soo jireenka ah ee labadaasi wadan.
Wadanka Talyaaniga ayaa dhankiisa balan qaaday in uu muddo koban gudaheed ay safaarada ka furandoonaan Magaalada Muqdisho taasi oo haddii ay dhacdo noqonaysa dalkii ugu horeyay ee reer Galbeed ah oo Safaaradiisa soomaaliya dib uga hergaliyay muddo 20-Sano ka dib ah.
Nuur Cadde oo xilli ahaa R/Wasaarihii dowlada Fd soomaaliya ayaa la shaaciyay in haatan uu sugayo aqoonsiga ay siin doonto dhawaan wasaarada Arimaha Dibada Wadanka Talyaaniga oo tilmaamtay in ay aqbshay safiirnimada Masuulkaasi.
Waa markii ugu horeysay ee dowladaha soomaaliya iyo Talyaaniga ay xiriir safaaradeed isku afgartaan iyadoo aan la ogayn waxa ay ka badali doonto Xiriirka Siyaasada Ee Labada wadan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments