Calendar

Nin Madaxa laga jaray oo saaka Maydkiisa laga helay Isgoska Baraakaha Ere Magaalada Muqdisho.

mogadishu-map-300x225Bartamaha (Muqdisho) Maydka nin Madaxa laga jaray ayaa saaka lagu arkay Isgoyska Bakaaraha Magaalada Muqdisho halkaasi dad badan ay ku daawanayeen maydkaasi.

Maydka ninka ayaa la dhigay Isgoyska Bakaaraha iyadoo dhiig fara badan oo ka baxay xiliga la qalayay uu yaalay goobta madaxa iyo qeybta dambe ee jirkisa lagu kala jarayay.

Dadka galayay saaka Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay la kulmeen Maydka Wiil dhalinyara ah oo madaxa Mindi looga jaray kaasi oo madaxiisa iyo jirkiisa kale ay isbarbar yaaleen.

Ninka la qalay ayaa waxa uu ahaa wiil dhalinra ah oo lagu qiyaasay da’diisa 25-30-Sano jir kaasi oo aan la ogayn sababta loo qalay iyo cidda qashay toona wallow uu yaalay meel aan ka dheereen saldhig ay leeyihiin Alshabaab.

Inta badan waxaa magaalada Muqdisho dhulka ay maamulaan Mucaaradka la soo dhigaa maydayd si fool xun loo qalay ama loo bireeyay iyadoo la sheego in dadkaasi ay yihiin kuwa Dowlada la shaqeeya.

Dadka la qalo ayaa badanaa waxa ay yihiin dhalinyaro lagu  eedeeyo in dowlada ay la shaqeeyaan ama ay yihiin Jawaasiis u shaqeya Amisom.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: