Calendar

Nin dhagax lagu dilay Gobolka Sh/Hoose.

dhagax copyBartamaha  (Toorotoorow):- Kooxda Xizbul Islaam ayaa maanta xukun ku riday Wiil dhalinyara ah kaasi oo ay ku Eedeysay in uu Kufsi ku kacay.

Fagaara ku yaala Deegaanka Tooro-toorow Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa maanta lagu dilay dhagax wiil 25-Jir ahaa oo lagu magacaabi jiray C/Qaadir Xuseen Ibraahim oo ka mid ahaa dadka dagan Deegaankaasi Toorotoorow.

Fagaaraha ayaa laga shaaciyay in Wiilkaasi 25-Jirka ahaa uu ka Sineestay gabar deegaanka ahayd taasi oo aan goobta lagu soo bandhigin iyadoo lagu xukumay Wiilkaasi Dhagax in lagu dilo ama La Rajmiyo.

Sargaal magaca Xizbul Islaam ku hadlay oo saxaafada Muqdisho xiriir la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkaasi uu afkiisa ka qirtay Zinada sida uu sheegay sidaa darteedna ay ku fuliyeen Xukunka Alle sida uu sargaalkaasi saxaafada u shegay.

Xukunka Rajminta  ama dhagax ku dilida ah ayaa Islaamiyiinta markii ugu horeysey ka fuliyeen Magaalada Kismaayo  ee Gobolka Jubada hoose taasi oo muran badan abuurtay wallow Kooxdan Xizbul Islaam uu xukunkan u noqonayo kii Labaad oo ay ka fuliso dalka.

Dhammaadkii sanadii la soo dhaafay ayay ahayd markii Kooxda Xizbul Islaam ay xukun dhagax ku dilid ah ka fulinayeen Magaalada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose iyadoo cara xoogan ay xukunkaasi ka qaadeen Beesha uu ka soo jeeday Ninka la dilayay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: