Xildhibaan labaad oo lagu dilay Moqdisho maanta
Mudane ka mid xildhibanada dowlada Somalia oo lagu magacaabi jirey Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux , ayaa waxa manta galinki hore lagu dilay dagmada dharkayn lay gaar ahaan xafada Dabakaya madow oo kamid ah xafadaha ay ka kooban tahay dagmada dharkayn lay ee magalada muqdisho
Mudanahaan ayaa waxaa la sheegay inay dilka u gaysten kooxo hubaysan oo afka soo duubtey, marxuumkan ayaa lagu soo weeararey howgiisa uu ka dagan yahay magalada muqdisho
dhinaca kale dad goob joogayaal ahaa ayaa warbahinta bartamaha u sheegay in kooxahasi dilka gaystey ay ka fakadeen goobtaas ayago la shegay inay kaga fakadeen gaari nooca raaxada ah, dhinaca kale mudo kooban kadib falkasi marka u dhacey ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada booliska somaliyeed ayaga oo indha indheyey sida ay wax u dhaceeb
Marxuumkan ayaa la sheegey in uu kusoo jeeday aqalka barlamaanka Somalia marka dilka loo gaystey oo manta xildhibaanada kulan kulahayeen halkasi,
Xildhibaankan ayanan ahayn xildhibaankii ogu horeyey ee mudo 24 saac ah lagu dilo magalada muqdisho, shalay ayay ahayd markii la dilay alle ha u naxariiste xildhibaan Isaaq Maxamed halka xildhibaanka kale oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Dhuux lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay gaysten kooxo anan la aqoon haybtooda
Ugaarsigan loo gaysanayo xildhibaanada somaliyeed ayaa waxa ay kusoo beegmayaan ayadoo ay caasimada Somalia muqdisho uu kasocdo kulan looga arinsanayo xalada amaan ee dalka Somalia shirkaasoo galay malintisi sadexaan manta,
Shirkan ayaa waxa ka hadlay madax dhaqameed, culimaa owdiin iyo madaxda dowlada Somalia, saraakisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada somaliyeed
Comments
comments