Mudanayaasha Baarlamaanka oo Maanta Kulan Ku qaadanaya xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed
Bartamaha:Xarunta golaha Shacabka Soomaliyeed ayaa waxaa maanta ku balansan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu hadlaan qodobo badan oo ay ugu muhiimsantahay si loo badbaadiyo dhibaatada ku habsatay Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u diyaar garoobay si ay ugu doodaan qoraalo loo dhiibay kulan ay Maalin ka hor ku qaateen Mudanayaasha Xarunta Golasha Shacabka Soomaaliyeed waxaana la filayaa in Maanta lalafa guro qodobo dhoor ah.
Waxaa la sugayaa in Doodda ay maanta yeelanayaan la filayo in la siweediiyo Maxaa u dan ah Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan?, iyadooo muhiimad gaar ah la siin doono Shacabka u barakacay Gobolada Dalka Soomaaliya oo ay baahi daran ku haysata si loo helo meel loo soo mariyo Gargaarka ay bixso Hay’adaha.
Sidoo kale Kulankani ay Maanta qaadanayaa Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda Federaalak KM Soomaaliya ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa si loo caawiyo Dad Soomaliyee oo dhibaatada ku heysata Wadamada Dariska la h Soomaaliya sida Kenya iyo Ethiopa iyo wadadamada ay Soomaalida u badantahay sida Dalalk Koonfur Afrika iyo Yemen oo dhibaatooyin dhimashioo iyo qabasho lagula kaco.
Sikastaba kulankan ayaa kusoo beegamya xilli Waddanka Soomaaliya ay ka jirto Colaad daba dheeraatay iyo abaaro hor leh oo dharbaaxo ku noqotay dadka xoola dhaqatada ku nool Gobolada Dalka Somaaliya.
Qodobada kasoo baxa Kulankan maanta ay u wada fadhiisanayaan Mudanayaasha Baarlamaaka ay ku leeyihiin Xarunta Shacabka Soomaaliyed waxii kasoo baxaa waxaa idinku soo daabci doonaan wararkeena xiga hadii raali k nqodo Eebe.
Xafisika Nairobi
Mugadisho
Comments
comments