Midowga Afrika oo Soomaaliya u soo diraya Ciidamo ka dheeraad ah Dalabkoo Dowlada.

Posted on Jul 28 2010 - 10:53am by News Desk
Tweet
Pin It

AMIOSMBartamaha (Kampala):- Madaxda Midowga Afrika ayaa isku raacay in Dalka Soomaaliya loo soo diro Ciidan xoogan oo lagu caawinayo kuwa haatan ku sugan Muqdisho.

Madaxda Wadamada Midowga Afrika oo shalay shirkoodii lagu soo gabgabeeyay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha kaasi oo si weyn loogu faaqiday xaalada dalka Soomaaliya.

Madaxda Afrika oo la filayay in ay  balan qaadi kari waayaan 2-Kun oo askari oo horay loo hadal haayay ayaa shalay dood iyo falanqayn badan ka dib waxa ay isla meel dhigeen in Soomaaliya loo soo diro 4-Kun oo askari.

Jan Ping Madaxa Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay Ciidanka ay u dirayaan Dalka Soomaaliya oo gaaraya 4-Kun askari si nabada soomaaliya wax badan looga badalo ayaa wuxuu sheegay inay ka go’an tahay Midowga Africa inuu ciidamo dheeraad ah si deg-deg ah ugu soo diro Soomaaliya.

Masuuliyiinta wadamada Afrika ayaa si toos ah waxa ay u balan qaadeen Ciidankaasi iyadoo dhawaan lagu wado in si deg deg ah loo gaarsiiyo dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan Amisom.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.