Calendar

Mid ka Mid ah Shirarkii Baydhabo oo Madoobe Nuunow u Doortay Madaxweyne

Madoobe-NuunowMid ka mid ah labadii shir ee ka socday magaalada Baydhabo ayaa maanta doortay madaxweyne maamul goboleeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkan maamul sameynta lixda gobol ayaa lagu doortay Madoobe Nuunow Maxamed oo ka guuleystay musharaxa Maxamed Aadan Fargeeto.

Doorashada oo ay ka qeybgaleen lix musharax ayaa wareegii kowaad waxaa ku soo haray saddex musharax halka saddex ay u soo gudbeen wareegga labaad.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa heley 44 cod guud ahaan codadka ergada oo ahayd 73 xubnood oo ah Golaha Senate-ka ee ay horey u ansixiyeen shirweynaha ka socday xarunta ADC-da Baydhabo, halka ninka ku soo xigay oo ahaa Maxamed Aadan Fargeeto uu heley 23 cod.  Waxaana tanaasulay C/fataax Ibraahim Geesey oo horey u ahaa guddoomiyaha gobolka Baay oo saguna ku jiray tartanka madaxtinimada.

Guddiga doorashada ayaa markii doorashadu dhamaatay ku dhawaaqay in Madoobe Nuunow uu yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madoobe oo hadlay doorashadiisa ka dib ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono nabadeyn iyo dib u heshiisiin uuna qancin doono dhinacyada diidan doorashadiisa.

Waxaa iyaguna hambalyeey musharixiintii kula tartantay Madoobe doorashada maanta ka dhacday xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo.

Doorashada Madoobe Nuunow ayaa timid saacado ka dib markii kulan ay yeesheen golaha wasiirada Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen inay taageerayaan shirka saddexda gobol ee ka socda Baydhabo, kaasoo ka garab furnaa shirka lixda gobol ee maanta lagu doortay Madoobe Nuunow.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa horey u ahaa xildhibaan, wuxuuna soo noqday wasiirka dastuurka iyo wasiirka warfaafinta xilligii dawladihii ku-meelgaarka.

Isla magaalada Baydhabo waxaa ka socda shir kale oo la doonayo in lagu dhiso maamul ka kooban saddex gobol kaasoo ergooyinka wada ay sheegeen in maalinimada Khamiista ay dooran doonaan madaxweyne.

Taariikh Kooban Ee Madoobe Nuunow:

Magaca Madoobe Nuunow Maxamed

- Ku dhashay Degmada Diinsoor 1948

- Xaas iyo Caruur

A) Heerka Waxbarashada

- Dugsi Hoose – Dhexe – Sare Dinsor / Xamar Hawlwadaag /Xalane 1961/79

- Machadka Culuunta,Siyaasadda Xalane (Political Seines) (DIPLOMA) 1979/1980

- Machadka Maamulka iyo Maareynta Somali Institute Of Development Administration And Management (SIDAM) DIPLOMA One Duration 1984

- Seminaaro iyo Aqoonkororsiyo Sharciga, Maamulka, Siyaasadda, Bulshada iyo Tababaro Ciidanimo,Xafiiskii Xiriirka Dadweynaha iyo kii Siyaasadda ee Abuurista Kaaderiin xagga Siyaasadda iyo Maamulka ee xilligii 1970/1990kii.

- Seminaaro:-Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha Somaliyeed Xaruunta dhexe ee Muqdisho 1976/77

U Gogolxaariddii Aasaaska Xisbigii Hantiwadaagga 1976 iyo Anigoo ka mid ahaa Aasaasayaashii XHKS Shirweynihii Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Xubin Xisbiga ka mid ah.

- Seminaaro:-Ururkii Dhallinyarada Xaruunta dhexe iyo Heer Degmo, gobolka 1972 ilaa 1974

- Ka qaybgel shirar iyo seminaaro aqoonkororsi( ku saabsan hawlaha Dasaatiirta iyo Saxaafadda) kuwaasoo lagu kala qabtay Dalalka Shiinaha,Sudaan, Jarmalka. Kenya, Jabuuti, Sacuudi Carabiya iyo Gudaha Dalka 2007 ilaa 2010ka.

- Ka qaybgel Shirarkii Dibuheshiisiinta Somaliyeed ee waqtiyada kala duwan lagu kala qabtay Dalalka Ethiopia 1993, Djiouti 2000 Kenya 2003 ,Djibouti 2008/9 iyo kuwo dalka Gudihiisa lagu kala qabtay,

B)Waaya-aragnimada Shaqada

- Dhallinyaradii Horseedka SYL ee heer Degmo Diinsoor 1966/8

- Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Karaani ama Xoghayn Guddoomiyaha Degmada Diinsoor 1974ka

- Madaxa Xafiiskii Siyaasadda ee Degmada Diinsoor 1976 /78

- Guddoomiyaha Ururkii Dhallinyarada Kacaanka Soomaliyeed Degmada Diinsoor ,xubin Guddiga Dhallinyarada Gobolka Bay,

- Xoghayaha Warfaafinta Xiriirkii Ururada Shaqaalaha Guddigiisa Degmada Diinsoor,Xubin Guddiga Shaqaalaha Gobol Bay,

- Guddoomiyaha Guddiga Disibilinka Tababaradii Ciidameynta Shaqaalaha Dowladda iyo Ururadii Bulshada ee Xalligii Dowladdii Kacaanka,(oo loo yaqiinay Tababarka Maleeshiyaada)

- Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada ee XHKS Degmada Diinsoor 1977/78

- Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Sablaale Gobolka Shabeellada Hoose 1980/81dii.

- Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Beled Xaawo 1981/83,

- Kaaliyaha Koowaad ee XHKS ee Degmada Diinsoor,

- Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Magaalada Diinsoor 1985

- Hawlwadeen XHKS Xaruunta Dhexe ee Xamar,

- Xoghayaha XHKS ahna Guddoomiyaha Maamulka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe 187- 90ka,

- Guddoomiyaha Guddi Samatabixin Degmada Diinsoor Xalligii Burburka billowday 1991- 92

- Guddigii Fulinta Ururkii Boonkaay 1993,

- Abuuris EGAT LNGO Noqdayna Guddoomiye NGO-ga 1994

- Asaasayaashii Shirarkii looga gogolxaaraayey Dowlad Gobleedkii May niin dan e iyo May niin Tala e oo lagu qabtay Baydhabo 1993/94

- Wasiir-Goboleedka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedkii lagu dhisay Baydhabo 1994ka

- Asaasayaashii Ururkii RRA 1995

- Guddiga Fulinta ahna Madaxa Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgarsiinta Ururka

- Xubin Baarlamaan iyo Guddiga Siyaasadda iyo Maamullada Baarlamaanka TNG Arta 2001

- Xubin Baarlamaan TFG Embgath i Kenya 2004ka

- Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Dowladda TFG,2004

- Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Dowladda TFG 2007

- Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga (Magacaabid) 2008ka,

- Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda TFG 2009 ilaa 2010ka.

- Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka 2011

- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya 4/01/2012

- Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Baarlamaanka Federaalka 2013/4

- Guddi Farsamo iyo (Steering Committee) Dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya 2012 ilaa 2014.

Dhammaad.

 

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: