Maraykanka oo xaqiijiyey in duqayntii ay ka geysteen Soomaaliya ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab
Washington(Bartamaha) Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in duqayntii ay diyaaradaha aan duliyaha ahayn ay ka geysteen gobolka Gedo ee Soomaaliya ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa amniyaadka AL-shabaab
Afhayeen u hadlay wasaaradda Difaaca ee dowladda Maraykanka oo lagu magacaabo Steven Worded ayaa xaqiijiyey in duqayntii ay diyaaradahoodu ka fuliyeen dalka Soomaaliya iney ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.
Afhayeenkan u hadlay wasaaradda Difaaca Maraykanka ee The Bentagon ayaa sheegay in duqaynta lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab,afhayeenka ayaan xusin magaca Sarkaalka ay dileen.
Afhayeenka u hadlay wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa intaa ku daray in duqaynta ay fulisay diyaarad nuuca Drones-ka aan duuliyaha lahayn ee wadanka Maraykanka,Steven ayaa sheegay iney tafaasiil buuxda ka bixin doonaan maalmaha soo socda.
Dowladda Maraykanka ayaa sare u qaaday duqaymaha cirka ah ee ay ka geysaneyso Soomaaliya waxaana tii u danbeysay lagu dilay Aadan Garaar oo ka tirsanaa Saraakiisha Al-shabaab dabayaaqadii sanadkii hore ayey markii diyaaradaha dagaalka Maraykanku ay gobolka SH/hoose ku dileen hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
Bartamaha
Comments
comments