Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shaaca ka qaaday in dalka soomaaliya ay halis ugu jiro in ay la wareegaan kooxaha Al-qaacida.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo manta shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa kaga hadlay arimaha dagaalada dalka kuwaasi oo uu shegay in Al-qaacida ay ka danbayso.
Madaxweynaha ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay Kooxaha Al-shabaab oo gacan ka helaya urur weynaha Al-qacida ay wadeen qoreshayaal ay ku doonayaan in ay kula wareegaal dhammaan talada dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif ayaa daboolka ka qaaday in maalin waliba ay dalka soo galaan kooxo uu ku tilmaamay Jihaad doon ka tirsan ururka Alqaacida kuwaasi oo uu ku sheegay in haatana ay safka hore kaga jiraan dagaalada dowladiisa lagu hayo.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaraxii maanta ka dhacay B/Weyne ee lagu dilay Col.Cumar Xaashi Wasiirkii Amniga iyo masuuliyiinta kalaba ay ka danbeeyeen kooxo uu ku tilmaamay Ajaanib aad doonaynin daganaashaha dalka soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay waqtiga ay sii joogayaan Ciidamada Amisom oo la kordhiyay taasi oo uu tilmaamay in ay wax ka tarayso ammaanka dalka soomaaliya iyo kooxaha dagaalada ka wada adlka intaba.
Waa markii ugu horeysay oo madaxweynaha dowlada Fd soomaaliya uu sheegay in dalka Soomaaliya ay joogaan kooxo argagaxisa ah oo doonaya qaska dalka soomaaliya .
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.ComMuqdisho-Somalia
Comments
comments