Calendar

Madaxweyne shariif oo u diray shacabka soomaaliyed hambalyo ku aadan munaasabadda 1 da Luulyo.

shariif

Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta dalka dib ugu soo laabtay isla markaana shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya ayaa shacabka ugu Hambalyeeyay munaasabadda 51 guuradda ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobaladda koonfureed iyo israacii Labada gobol, wuxuuna Madaxweynuhu u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan midnimo iyo horumar iyo Nabadd galya waarta.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dhaawac xooggan ay soo gaartay xornimadii la Qaatay Lixdankii, isagoo ku booriyay shacabka Soomaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo Dibadiisa in ay si wadajir ah ugu istaagaan badbaadinta xoriyadda dalka.

Dhankale wuxuu ka hadlay madaxweyne shariif abaaraha ka jira dalka isagow sheegay Beesha caalamaka gar ahaan hey’adaha gargaarka iney gurmad dagdag ah la soo garaan Dadka la ildaran abaarta isagoo tilmaamay in ay la mid tahay tii dalka ka dhacday sanadkii 1992 dii, wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibada gar Ahaan qurbaha jooga in ay gurmad xoog leh la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed.

Hadalkaan madaxweynaha ayaa imaanaya xili dalka ay ka jiraan abaaro dadka iyo dunyada La il daran isla markaasna mudooyinkii danbe ay ka soo barakacayeen gobalada dalka Abaarta darted ay u gurmadaan cid waliba oo gacan ka gesankarta dadka macluusha ay ka Muuqato.

xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: