Madaxweyne Shariif oo Muqdisho iyo Madaafiic lala beegsaday
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoo Madaafiic looga hormariyay aqalkiisa Madaxtooyada.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyi wafdi uu hogaaminaayay ayaa ka soo dagay garoonka Aadan Cadde Muqdisho halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha ayaa waxaa imaanshihiisa Muqdisho waxaa ku wehliyay Wasiiro ka mida Xukumada isagoo si nabad ah ku soo maray wadada balse Madaxtooyada Madaafiic looga hormariyay.
Dhowr madfac oo hoobiya ah ayaa lagu dhiftay hareeraha aqalka uu ka daganyahay Xarunta Villa Somalia halkaasi oo aan la garanayn qasara ka dhashay.
Madaxweynaha wax war ah ma siinin sxaafada markii uu galay madaxtooyada waxaana uu imaanshihiisa Muqdisho la kulmay Dagaal qaraar oo caasimada ka holcaya.
Shariif Madaxweynaha Dowlada KMG ah waxa uu socdaalkii uu u baxay ku soo kala bixiyay Faransiiska iyo Nairobi oo uu soo maray wallow aanu kulan la qaadan madaxda dalkaasi.
Masuulkan Dowlada Soomaaliya ugu sareeya waxa uu dhib ku qabaa xiliga uu imaanayo iyo marka uu ka dhoofayo madaalada Madaafiic aad moodo in loogu talagalay oo xilli waliba lagu sii dhaweeyo laguna soo dhaweeyo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments