Calendar

Madaxweyne Shariif iyo Augustine Mahiga oo isku bartay Kampala (Daawo Sawirada).

sh1Bartamaha (Kampala):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya iyo Wakiilka gaarka ah ee  Qaramada Midoobe Arimaha Soomaaliya  ayaa ku kulmay Magaalada Kampala.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya iyo Augustine Mahiga  masuulka u qaabilsan Qaramada Midoobe Ee arimaha Soomaaliya ayaa isku bartay Magaalada Kampala.

Labada Masuul ayaa qaatay Kulankoodii ugu horeeyay ka dib markii Ninkan u qaabilsan Soomaaliya uu badalay Axmed Walad Cabdalla oo ahaa saaxiibka Koowad Ee Dowlada Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Mahiga iyo Shariif ayaa isbarashadooda ka dib ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyagoo si gaar ah ugu balamay in isbadal lagu sameeyo Dalka dagaalada ka sii holcayaan Ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif waxa uu ka dalbaday masuulka Cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arimaha Soomaaliya in uu ka saacadsido la dagaalanka Argagixisada ku sii badanayso dalka.

Labadan Nin ayaa kulankan uu u noqday midkii ugu horeeyay ka dib markii horay loo badalay Axmed Walad Cabadlla oo ahaa maskaxdii ka danbaysay dhismaha Dowlada KMG ah oo weli ka socan la’a kooxo Mucaarad Hubaysan ah.

Daawo Sawirada:-

Kulanka ka dib

Kulanka ka dib

Shariif iyo madaxda UN-ka

Shariif iyo madaxda UN-ka

Madaxweynaha iyo Mehingi

Madaxweynaha iyo Mehingi

Madaxweynaha iyo Ergayga Qaramada Midoobe

Madaxweynaha iyo Ergayga Qaramada Midoobe

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: