Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo wada hadal ugu baaqay dhinacyada Mucaaradka.

shariifBartamaha(New York):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay wada hadal uu la yeesho Xoogaga Mucaaradka ee dagaalda kula jitro dowladiisa.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in Dowladiisa ay diyaar u tahay wada hadal ay la yeelato dhanka Islaamiyiinta Mucaaradka ah si dhibaatada Soomaaliya ka taagan loo soo afjaro.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo Khudbad  ka jeedinayay madasha Madaxda Caalamka Ee Magaalada New York ayaa tilmaamay in Dowladiisa ay diyaar u tahay wada hadal iyp dib u hishiisiin dhexmarta Dowlada iyo Mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay xal loo helo dhibaatada ka taagan Soomaaliya oo 20-sano jirsatay islamarkaana u baahan in wanaag iyo wada hadal lagu dhameeyo.

Baaq uu jeediyay Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku sheegay in taageera xagga maaliyada ah looga baahanyahay Caalamka six al waara loogu helo xasarada ka taagan Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: