Calendar

Madaxweynaha soomaaliya oo maanta shirjaraa’id qabtay ka hadlay dagaalada ka socda gobalka mudug ka hor inta uu ka anba bixin dalka.

sh

Madaxweyne shariif sheikh axmed oo maanta la hadlaayay saxaafada ayaa baaq u diray beelaha Ku dagaalamaya gobalada dhexe ee soomaaliya

Sheekh shariif  ayaa shirkiisa jaraa’id ugu hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday gobalada dhexe Ee maleeshiyo beeled ka soo kal jeeda u maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug wuxuuna soo Hadal qaaday dhibaata shacabka heysata

Madaxweynaha ayaa sheegay iney dhawaan u diri doonaan gudi soo dhaxdhaadiya belahaas Walaalaha ah isago sheegay iney ka fogadaan colada wxuu sabab ugu dhigay in xiligaan ay dadka La il daran yihiin abaaro iyo colaado kana codsaday iney dagaalka joojiyaan

Intaas kadib wuxuu madaxweynaha soomaaliya ka codsaday culimadda wax garadka iyo Dhamaan qeybaha kal gidisan ee shacabka iney u istagaan sidii ay u dami lahaayen coladaad Iminka ka soo cusbonaatay halkaasi.

Dhan kale madaxweynaha soomaaliya shirkisa jaraa’id ka dib ka anba baxay magaalada muqdishu Isagoo ku sii jeeday magaalada adis ababa ee dalka itoobiya

Madaxweynaha ayaa gaaraya magaalada adis ee dalka itoobiya wuxuna halkaasi kulan kula Qadanayaa madaxda dalkaasi uu ugu horeyo r/wasaaraha itoobiya males zanawi ayaa dirada saari Donaan kulan kodaan iminka socoda xaladaha murugsan ee dhanka amniga ugu horeyso iyo Magacaabista golaha wasiirada waxaa sidaas inoo xaqiijiyay rag ka tirsan xafiiska madaxweyne Shariif sheikh axmed oo sheegay iney sabab u tahay bixi taanka si uu la tashiyo ula soo yeesho Madaxda dalka itoobiya.

Si kastaba ahatee waxaa malmihii danbe muran xoogan ka tagnaa magacaabista golaha wasiirada Waxaase lafilaa inuu kulankaan wax badan ka badalo arimahaan murugsan  xalada dhabta ah wey Soo shaaci bixi dontaa balse hordhaca kulaankaas ayaa ahaa sida aan idin soo sheegnay .

xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: