Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan la yeeshay Golaha Wasiirada iyo faah-faahin qarsoodi ah oo kulkankaasi laga helay

kualn xasaasi ahBartamaha (Muqdisho) Kula dag-dag ah oo maanta uu isugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya golaha Wasiirada Dowlada ayaa waxaa looga hadlay Xaalada Dalka iyo dagaalo la filayo in Dowlad ay qaado.

Madaxweyne Shariif ayaa kulanka maanta waxa uu kula yeeshay xarunta Madaxtooyada dhammaan golaha wasiirada isagoo kala hadlay Xaalada Dalka iyo safaro uu dhawaan ku soo maray qaar ka mida wadamada Carabta sida uu saxaafada u sheegay C/qaadir Barnaamij oo ah madaxa warfaafinta madaxtooyada.

Dhanka kale Warar la isku hubo oo soo gaaray Xafiiska Warqabadka www.Bartamaha.Com ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu kulankaasi ujeedkiisa uu ku sheegay in uu fasiraad wasiirada ay maqlayaan uu ka bixyo Ra’iisul wasaaraha hishiisyada uu la soo galay Maamulka Puntland.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in ay isku qabteen qaar ka mida qodobada hishiiska Gaal-kacyo dhawaan ka dhacay kaasi oo ay galeen Puntland iyo dowlada Soomalaiya.

Muddo uu kulanka uu ka socday madaxtooyada ayaa waxaa la sheegay in uu ku idlaaday natiija la’aan iyadoo madaxweyne Shariif uu ra’iisul wasaarihiisa ka dalbaday in uu soo jilciyo qaar ka mida qodobada hishiiska.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: