Madaxweynaha Puntland oo Khudbad uu uga hadlayo qorshaha dowladiisa ka horjeediyay Baarlamanka (warbixin)
Garowe_ Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo kahor Ansixinta Xukuumadisa Khudabad ujoodiyay Mudanayaasha Baarlamanka ayaa kawaramay qorshaha waxqabad ee ay hiigsanayso xukuumada uu hogaanka uhayo.
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu horayn kacodsaday Mudanayasha Baarlamanka inay kaalsoonida siiyaan xukuumada usoo Dhisay, waxaana uu tilmaamay in wasiirada uu magacabay ay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo kana soo bixi kara hawlahoda.
Cabdiweli ayaa sheegay in sicadaalad ay ku dheehan tahay uu kusoo xulay Gollihiisa wasiirada, isagoona kadalbaday bulshada inay dowlada cusub ku taageeraan sidii ay horay ugusii wadi lahayd horumarka ay hiigsanayso Puntland.
MIDNIMADA_ Madaxweyne Cabdi Weli ayaa sheegay in qorshaha ay hiig sanayso xukumadisu ay saldhig unoqonayso sidii loo heli Midnimada Umadaii wada dhisatay Maamulka Puntland, waxaana uu sheegay inuu ku dadaali doono sidii dib la isgusoo celin lahaa deeganada kabaxay gacanta dowlada.
….,,,, Waxaa muhiim ah sidii aynu uga wada shaqayn lahayn sidii la isugusoo celin lahaa dadkii Puntland wada Aas – aastay, waxaa lagama maarmaan ah inaan qabano shirweyne looga hadlaayo midnimada Puntland, kaasi oo lagu lafa guridono sidii ay midnimada Puntland unoqon lahayd muqadas lama taab taan ah ..…,,, ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas aya intaasi kudaray in qodobada kasoo baxa shirweynahaasi ay noqon doonaan kuwo loo fuliyo qaabkii loogu heshiiyay .
CADAALADA _ Madaxweyne Gaas ayaa ifiyay in bulshada qaarkod ay dareemaan inaan loo sinayn sharciga ama mashaariicda dowlada si cadaalada loogu qaybin deeganada, waxase uu sheegay in dowladisu ay hab cadaalada ugu shaqayn doonto umada Puntland.
…,,, Waa waajib in adeegyada bulshada si cadaalad iyo sinaana loo gaarsiiyo deeganada Puntland, marna ogolaan mayno in caafimaadka, Biyaha, Booliska, iyo dhamaan adeegyada bulshada lakala Sad-bursado..,, ayuu yiri madaxweyne gaas.
AMAANKA _ Madaxweyne Cabdiweli ayaa sheegay in dowladiisu ay kashaqaynayso sidii ay Hay’addaha amnigu uwada shaqayn lahayeen, waxaana uu intaasi kudaray in qorshayasha ugu horeeya xukumadisa ay qayb katahay in kor looqaado tayada ciidanka amniga ayna si joogto ah uhelaan xuquuqdooda.
….,,, Qorshayasha lagu sugaayo amniga waxaa kamid ah in ciidanka ku hawlan amniga ay helaan xuquuqdooda, Askari aan mushahar qaadan side ayuu amni kusugayaa ?, marna madhacayso inay xuquuqdoda iyo xuquuqda reerkooda helin .. ayuu yiri madaxweynuhu.
XIRIIRKA CALAMIGA AH & KAN GUDAHA _ Madaxweyne Cabdiweli waxaa uu sheegay in Puntland ay kamid tahay Soomaliya ayna ka go,antahay dowladiisa inay xiriir layeelato dowlada soomaliya, iyo inay gacansiiso maamulada doonaya in samaystaan dowlad gobaleedyo.
Madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale tilmaamay inay waajib kutahay dowladiisa sidii ay xiir sookeeye ula yeelan lahayd dalalka caalamka, isagoona intaasi raaciyay inay ka go,antahay sidii ay Puntland uguso xirmi lahaayeen wadamo iyo hay’ado danaynaya inay maal gashtaan Puntland.
….,,, Waxaa lagama maarmaan ah inaan dejino sharciyada Maalgashiga si ay ufududaato in xiriir wanagsan aan layeelano dalalka caalamka..,, ayuu yiri madaxweyne Gaas.
DHAQAALAH _ Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dhaqaalaha Puntland oo kor loo qaado uu gacan weyn kagaysanayo sugida amniga iyo horumarka deeganada Puntland.
…,,, Waxaa noo qorshaysan inaan samayno daraasad waafiya oo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland iyo sidii loo horumarin lahaa looga faa,idaysanayo, Illahay wuxuu Puntland ku manaystay khayraad aad ufarabadan haday noqonlahyd Bad, Xoolo, Macdan Dhamaanted iyo Shidaal, hadii aynu horumarin oo aan ka faa,idaysan waxay iska ahaanayan magic uyaal aan laga faa,idaysan…,,, ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli.
Madaxweyne Cabdiweli ayaa gabagabadii Sheegay inay dowladisu ay muhiimad weyn siin doonto ladagaalanka Musuq maasuqa, waxaana uu xusay in hadii uu jiro musuq maasuq aysan Puntland gaari Karin yoolka ay hiigsanayso.
Khudabadan uu kahorjeediyay Baarlamanka Madaxweynaha Puntland ayaa noqonaysa midi ugu horaysay kadib markii uu soo dhisay gollihiisa wasiirada, waxaana uu aad uga hadlay qorshaha ay ku shaqanayso dowladisa shanta sano ee soo socota.
www.Bartamaha.com
Xafiiska Puntland
Comments
comments