Madaxwayne Shiikh Shariif oo dalka Uganda Tababar ugu soo xiray Ciidamo (Sawiro).

Posted on Apr 16 2010 - 6:23pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

Ciidamo_Tababar_Ugand_Shariifka_11

Bartamaha (Nairobi):-Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa tababar ugu soo xiray Ciidamo loo tababaraayay Dowladda Soomaaliya, tababarkaasi oo ka socday Dalka Uganda.

Ciidamadaasi tababarka loo soo xiray ayaa tiradooda la sheegay inay tahay ilaa 2000 oo askari, waxaana tababarka ciidamadaasi siinaayay saraakiil ka socota dalalka Uganda, USA iyo kuwo kale oo ka socday Midowga Yurub.

Munaasabadaasi tababarka loogu soo xiraayay Ciidamadaasi ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha soomaaliya Sheekh Shariif, Taliyaha Ciidanka XDS, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale munaasabdaasi ka qeyb galay wasiirka Gaashaandhigga dalka Uganda, Taliyaha Ciidamada Uganda, Saraakiil ka socota dalka Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyay khudbad balaaran, isagoo abaalmarino gudoonsiiyay qaar ka tirsan Ciidanka Soomaaliyeed ee tababarku u soo dhamaaday.

Ugu dambayntii waxay ciidamadaasi tababarka u dhamaaday ku soo bandhigeen qababka loo dagaalamo iyo sida Cadowga loola dagaalamo, iyagoo halkaasi ku soo bandhigay awooda ay u leeyihiin inay cadowgooda ula dagaalamaan, iyagoo sidoo kale muujiyay cududooda iyo sida ay ukala amar qaadanaayaan.
—————
Xigasho… Somaliweyn
.

Sawiro Dheeraad ah Halkan hoose ka daawo.

Ciidamo_Tababar_Ugand_Shariifka_9

Ciidamo_Tababar_Ugand_Shariifka_14

Ciidamo_Tababar_Ugand_Shariifka_10


Ciidamo_Tababar_Ugand_Shariifka_8

Ciidamo_Tababar_Ugand_Shariifka_6

Ciidamo_Tababar_Ugand_Shariifka_3

Ciidamo_Tababar_Ugand_Shariifka_15