Calendar

Madaxwayne Shiikh Shariif iyo Shiikh Aadam Madoobe oo dib ugu laabtay Magaaladda Muqdisho.

sharif9

Bartamaha (Muqdisho):- Wafdiga oo uu hogaaminayeen Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe ayaa Maanta waxaa ay soo cagadhigteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka ayaa duhurnimada maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana socdaalkooda ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda.
Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Barlamanka ayaa waxaa wehliyay in ka badan 70 xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.

Xiliga ay garoonka ka soo dagayeen ayaa amaanka garoonkaasi diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa si weyn u adkeeyay ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaana wafdigaasi soo dhaweeyay masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya.
madaxweynaha ayaa gaaray dalka Uganda, halkaas oo uu kulamo kula qaatay maaxda dalkaas, isagoo sidoo kale tababar u soo xiray ciidamo Soomaaliyeed oo muddo lix bil ah tababar ku qaadanayay dalkaasi Uganda.
Gudoomiyaha barlamanka iyo xildhibaanada maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan kulanka Maalinta beri ah mudanayaasha Barlamanka Markii ugu horeeysay uga furmaya xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamanka Aadan Madoobe ayaa mudo safar ugu maqnaa dibada halka Madaxwayne Shariif uu ku maqnaa dalka Uganda oo ay tababar ugu soo xirmay Ciidamo dowladda Soomaaliya ah.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

[email protected]

Xafiiska bartamaha ee Nairobi,Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: