Madaxwaynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Magaaladda London si diiran loogu soo dhaweeyay.

Posted on Apr 15 2010 - 7:02pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

SAM_0041

Bartamaha (London):- Waxaa safar shaqo ah ku imanayo Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb Mudane Mohamed abdullahi iyo Wafdi uu hogaaminaayo Dalka Ingiriiska Magaala madaxdeeda – London maalinta khamiista taarikhduna tahay 16 .04.2010.

Maalinta sabtigana wuxuu safakiisa Madaxwaynuhu tu tagi doonaa Dolland, halkaas oo uu kula kulmi doono Ximan iyo Xeeb Diaspora forum ee UK&Holland.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisu waxaa kale oo u qorshaysan kana heleen Martiqaad Ximan iyo Xeeb Diaspora forum In South Africa, waxaana dib laga soo sheegi doonaa waqtiga uu ku aadan yahay Madaxwaynuha iyio wafdigiisuba halkaas.

Ujeedada Safarka Madaxwaynaha iyo wafdigiisuba waxay tahay:

· Ka warbixinta Maamulka maxaa u qabsoomay maxaase u qabsoomi waayay.

· Caqabadaha ka horyimid oo u baahan in xal loo helo iyo daawaba.

· Dagaalada sokeeye ee ka holcay degtaanka ee wax laga xumaada ah iyo kaalinta uu ka gaystay Maamulka Wax kaqabashada iyo Daminta Colaadaas ka dhex dhalatay dadka walaalaha ah wadadhashay isna wada dhalay, kii ka dhintaaba uu yahay kiisii.

· Ku soo dabaalidda iyo ku casumidda hay`adaha Wadaniga ah iyo hay`adaha caalamiga ah ee deegaanka ay ka taliso Maamulka Ximan iyo Xeeb.

· Ku baraarujinta Qurba joogta ka qayb qaadashada badbaadinta Qaranimada somaliyeed iyo ka qayb qaadashada dib u dhiska dalka iyo Deegaanka Ximan iyo Xeeb.

· Ku Baraaru jinta Qurbajoogta inay maal galiyaan degaanka Ximan iyo Xeeb haddii ay tahay Dhaqaale iyo haddii ay tahay Aqoon iyo Khibrad intaba,lagana sugayo, Maamulkuna diyaar u yahay soo dhawayntooda iyo dajintoodaba iyo sugidda amaankooda.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisu waxay kulama gaar gaar ah la qaadan doona bulshada qaybaheeda kala duwan eek u abtirsata Ximan iyo Xeeb, wuxuuna u kuur galidoonaa xaaladda ay ku sugan yihiin Caruurtoodu iyo qoysaskooduba.

Madaxwaynuhu wuxuu kale oo uu la kumi doonaa Qurbajoogta ka soo jeeda deegaanada dariska la ah Ximan iyo Xeeb wuxuuna kala hadli doonaa inay gacan ka gaystaa sii xooginta Dariswanaaga, Nabadaynta iyo horumarinta iyo ka qayb qaadashada badbaadinta Qaranimada Somaliyeed iyo Tan degaanadaba.

Madaxwaynaha iyo Wafdigiisu wuxuu kale uu la kumi doonaa mudada uu ku jiro safarkiisa Ehelada Lamaanaha lagu haysto Gobolada Dhexe, iyo kulama kale uu la yeelan doono madax ka mid ah dowladaha uu safarka ku maraayo.

Wabillahi Towfiiq

Guddiga Qaban Qaabada soo Dhawaynta

Xigasho…..Heegantv-London

Siid Ahmed.. London,UK

[email protected]
[email protected]

SAM_0060

SAM_0054

SAM_0038

SAM_0058

SAM_0033

SAM_0036