madaxwaynaha maamulka galmudug oo maanta magacaabey gudi baara abaaraha ka dilaacay gobolkaasi
Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ah Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta magacaabay guddi qiimeyn ku sameeya abaaraha laga soo sheegayo deegaanno hoos taga maamulka.
Guddigani uu magacaabey madaxwaynaha galmudug ayaa gaaraya 17 xubnood oo isugu jira xildhibaanbo, wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno ka socdo ururrada bulshada rayidka.
sido kale Afhayeenka madaxtooyada Galmudug Feysal Cabdi Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay magalaada Gaalkacyo ayaa sheegay in guddigu uu u kuurgalayo heerka ay gaarsiisan tahay abaarta iyo biyo la’aanta halkaas ka jirto.
Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in guddigu ay tagi doonaan dhammaan deegaannada laga soo sheegayo biyo la’aanta, si warbixin dhammaystiran ay uga soo gudbiyaan xaaladda halkaas ka jirta
Comments
comments