madaxwaynaha dowlada soomaalia oo ka hadlay qunsulka kenya u magaacowday magaalada kismaayo
madaxwayne xasan sheekh maxamud ayaa ka hadlay qusul ay dhawaan dowlada kenya u soo magaacabatey magaalada kismaayo xarunta maamulka KMG ee juba uu ka arimiyo
Madaxweyne Xasan oo su’aal arrintan ku saabsan lagu weydiiyey munaasibaddii uu shalay kaga hadlayey xaaladda Guud ee Waddanka, ayaa ku adkaystay inaanay Dawladdiisu waxba kala soconin Magacaabista Qunsulkaas la sheegayo.
Waxa uu madaxweynuhu su’aashaas jawaabteeda kaga baxay inay Baadhayaan, isagoo carrabka ku dhuftay inay Haddii ay jirto ay tahay tallaabo qaran-jab ah.
hadii ay jirto waa Arrin Xad gudub ku ah Qarannimadda Soomaaliya,laakiin ka hor dhici meyno oo waan baadhaynaa,Qunsulka la sheegayo”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.
30-kii Bishii April ayey aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Jubba uu Warqadii Aqoonsiga ka guddoomay Qunsulka Kenya ay u soo Dirsatay Magaalada Kismaayo.
Siyaasiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka soo hor jeestay Tilaabada ay Kenya Qunsulka u gu soo Magacawday Magaalaka Kismaayo,ayagoo sheegay in Dalka ay ka jirto Dowlada Caalamku uu Aqoonsan yahay.
Comments
comments