Madaafiic Xalay lagu garaacay Suuqa Bakaaraha.
Bartamaha (Muqdisho):- Qasaara xoogan ayaa Xalay ka dhashay Madaafiic xoog badan oo lagu garaacay Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho.
Madaafiicda Xalay ayaa ka duwanaa kuwii dhawaanahan lala beegsanayay xaafadaha Caasimada waxaana la sheegay Hoobiyayaal,PM iyo Hub kale lagu garaacay suuqa Bakaaraha Fiidinimadii hore Ee Xalay.
Duqeynta oo aan la ogayn sababta keentay ayaa waxaa ku dhintay 5-ruux in ka badan 25-Kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray markii muddo 30-Daqiiqo ka badan Madaafiic ay ku Hoobanayeen Bakaaraha iyo hareeraheeda.
Dhaawacyada ayaa lagu daad gureeyay gawaarida gurmadka deg dega ah waxaana la xaqiijiyay in shacabka dhaawacmayay ay intooda badan ku sugnaayen wadada 1-aad ee Suuqa halkaasi oo dhowr madfac ay markii ugu horaysay ku habsadeen.
Inta badan Madaafiicda Suuqaasi lagu rido ayaa loo sababeeyaa Kooxaha Islaamiyiinta oo Hoobiyayaal ka soo dhex tuura Suuqa Bakaaraha oo ay saldhigya badan ku leeyihiin taaasi oo qasaara sababta.
Isku soo wada duub Xaalada ayaa saaka ah mid dagan waxaana xilli waliba dadka magaalada ku dhaqan ay yihiin kuwa dagaal ama duweyn sugayaal ah maadaama xilli waliba dushooda lagu hardamo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments