read more »">
Calendar

Madaafiic lagu garaacay Bakaaraha iyo Qasaara shacabka gaaray.

dagaalka wadada bakaaraha gashaBartamaha (Muqdisho):- Madaafiicd PM-ka ayaa sida roobka ugu dadanayay barqanimadii maanta gudaha Suuqa Bakaaraha markii Mucaaradka ay garaaceen Villa Somalia.

Wararka naga soo gaaraya gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Madaafiicdii ugu ba’nayd maanta lagu garaacay suuqaasi Bakaaraha ka dib markii Xoogaga Islaamiga ay si bareer ah u duqeeyeen Xarunta Villa Somalia.

Duqeynta maanta oo ahayd mid aad u daran ayaa waxa ay ku dhacaysay gudaha iyo daafaha Suuqa Bakaaraha halkaasi oo shacab badan ay ku dhamaadeen madaafiicda maanta lagu garaacay Suuqaasi.

Waxaa Gurmad xoogan u fidinayay dhaawacyo ka badan 15-ruux oo bakaaraha laga qaaday gaadiidka Gurmadka deg dega ah oo ay qaar ka mida lahaayeen Xoogaga Alshabaab oo shalay Ambulance  soo bandhigay.

Dadka rayidka ah ee dhintay ayaa lagu qiyaasay 5-ruux markii dhowr iyo Toban madfac si daran doori ah Suuqa Bakaaraha loogu soo garaacay waxaana dadka dhintay ku jira caruur maanta dhar Ciid looga soo doonay suuqaasi.

Suuqa Bakaaraha ayaa toos u xernaa muddo 10-Cisho ah oo aanay jirin goobo ganacsi oo ka furan marka laga reebo dhismayaasha waaweyn ee Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha oo shaqeynayay xilli dagaal uu socanayay.

Xaalada ayaa caadi isaga soo noqotay markii la daad gureeyay dhaawacyada iyo dadkii ku dhintay duqeynta maanta ay Ciidanka Amisom u geysteen Suuqa Bakaaraha oo si toos ah loogu garaacayay Hubka loo yaqaano PM-ka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: